Wsiirka Duulista1Hargeysa(Araweelo News Network)Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawadda iyo Gaadiida Cirka Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa sheegay in laysku mariwaayay wadahadal dalka Turkiga uga socday

Somaliland iyo Somalia oo la xidhiidhay sidii loo maamuli lahaa Hawdda.

Wasiirka oo ay wehelinayeen Laba khabiir oo ka tirsan Wasaaradda Duulsita oo kale Saciid Mahdi Ileeliye (Saqiiro) iyo Maxamuud Biixi Taarwale oo maanta ka soo degay Madaarka Cigaal International Airport ayaa saxaafada ugu xog waramay natiijada wadahadaladii Turkiga ku dhex maray iyaga iyo Soomaaliya.

Wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “ shirkan waxa isu yimid laba guddi farsamo oo ka socday Somaliland iyo Soomaaliya, waxana arintaas lagu go’aamiyey shirkii ugu dambaayey ee labada dal ay Horaantii sanadkan Istaanbul ku yeesheen sideed qodob oo ka soo baxay ayaa mid aan uu dhigayey in laba guddi farsamo la samaayo si loo gu’anaanado arintii hawada maamulkeeda loona wadaago, lana sameeyo wax la yidhaa TOR, (Terms of Reference), oo ay ku shaqeeyaan guddida hawada maamulaysaa, masuuliyada iyo xilka naloo igmaday oo sidaas ayuu ahaa, waxaanu labadayadii dhinac isugu nimid Istanbul, waxana kulan noo abaabushay wasaarada arrimaha dibada ee Turkiga xaqiiqdii arrintaas markii aanu falanqaynay ee shirkii uu noo bilaabmay midho dhal badan lagama gaadhin sababtana waxa keentay iyada oo kadinkii laga soo galay hawsha qaabdhismeedka inaanu diyaarino, aanu ku kala aragti duwnaanay walaaladayadii guddi farsaxo ee ka yimid Soomaaliya, xubno khubro ah ayaa meesha marayey laba dhinacba, aniga iyo Wasiirka kale kor joogto ayaanu ahayn, waxa lagu kala duwanaaday guddi loo baahan yahay in la sameeyo.” Ayuu yidhi Wasiirka Duulista iyo Hawadda Somaliland.

“ Somaliland xubnahayagii ka socday waanu qabnay imikana aanu qabnaa kuna qanacsanahay in shirkii Istanbul ka dhacay 7 ilaa 9 July/2013-kii, ee ugu horeeyey wadahadii Labada dal, in laga heshiiyey in la sameeyo guddi wadaag ah, oo arrinta hawada si madax banaan u maamula fadhiisinkooduna uu noqdo caasimada Somaliland ee Hargeysa, xafiiska Nairobi ee FIR la yidhaa in loo soo raro Hargeysa, anaga laba xafiis nooma ay kala ahayn, ilaa hada waxaanu qabtaa inaanu arintaas heshiis ku ahayn Soomaaliya, waxa dhacday in Walaalhayo Soomaaliya ay la gole yimaadeen fahan kaas ka duwan, oo ah in guddidani ay samayso guddi kale oo farsamo gudidaasina waxa ay ku shaqnayso aanu isla meel dhigno, xafiiska FIR-na aanu ajandaha meelbana ka soo galin, angug taas waanu ka soo hor jeednaa waayo laba guddi cidna samaymayso, mashruucani waa mid kaliya oo isla socda, doodayaduna abaar iyo Yool ayey leedahay waxa weeye guddi kaliya ayaa hawadda maamulaysa, oo gacanta ku haynaysa, hadii ay tahay hawl maalimeedka joogtada ah, wadaaga cashuurta ama dhaqaalaha, dajinta istaraatijiyada iyo siyaasada waxaas oo dhan hal guddi oo hal xafiis leh ayaa maamulaysa, ayaanu aamin san nahay halkaas ayaanu ku kala duwanahay Soomaaliya.”ayuu yidhi Maxamuud Xaashi.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dooda Soomaaliya ee ah in la kala saaro gudidda hawada maamulamaysa iyo xafiiskeeda ay u arkaan mid khilaafsan heshiiskii hore ee hawadda ee labada dal galeen isagoo yidhi “ Dooda Soomaaliya ee Qodobkaasi waxaanu u aragnaa in uu ka soo horjeedo heshiiskii hore ee aanu galnay, waana aanu isku marganay, mahaa wax u baahan in laga qariyo Bulshada Somaliland, saxaafadda iyo beesha caalamkaba, way nagu adkaaday in aanu heshiis gaadhno, waxa aanu markaas gunaanadkii isku afgarana laba qodob oo ah Kow, waxaanu garwaaqsanay in baahi weyn loo qabo in hawadii mamaulkeedii dib loogu soo celiyo gacmaha Soomaaliyada, Somaliland iyo Soomaaliya, waxana aanu mudaynay in bisha January 2015 hawadii UN gacanteeda laga soo noqdo, hawshaasna ay maamulaan guddi wada jir ah, oo ah labada dhinac, guddidaasna ay la xisaabtamaan laba dawladood ee Somaliland iyo Soomaaliya” ayuu yidhi.

“ Qodobka labaadna waxaanu ku heshiinay in dhinac waliba uu ku noqdo dawladiisii, ka diba shirka guud ee labada dal ay Istanbul ku yeelan doonaan arrintaas iyada ah, heshiis kama dambays ah laga gaadho, shirkaasna Ajadana koowaad arrinta maamulka hawada ay ku noqoto, wadahadalada laba dal qodobka kaliya ee laga heshiiyey wuxuu ahaa arinta hawada iyadiina waxa ku soo kordhay turunturooyin iyo tafsiiro kala duwan, markaas waxay u baahana tahay inay meel wax isla dhigno, waxana aan rayaynaynaa in walaaledeen Soomaaliya aynu wax isla meel dhigno, oo ay garowsadaan waaqaca iyo runta.” Ayuu yidhi  Maxamuud Xaashi Cabdi.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *