Suuriya(Araweelo News Network) Wadamada reer galbeedka Maraykanka iyo Britain ayaa joojiyay taageeradii ay siin jireen mucaaradka Suuriya oo la tacaalaya xukuumadda Bashaar Al-asad.

Maraykanka iyo Britain ayaa go’aankaa qaatay kadib markii koox la baxday Jabhada Islaamiga ay la wareegeen xarumo mucaaradku lahaa oo ku yaalay Xadka u dhexeeya Suuriya iyo Turkiga, kuwaas oo fadhiisin u ahaa xoogaga xoraynta Suuriya.
Af-hayeen u hadlay dawlada Maraykanka ayaa sheegay in taageerada ay siin jireen mucaaradka Suuriya aanay ku jirin Hub ee ay ku taageeri jireen gaadiid, Dawooyin iyo qalab kale, wuxuuna xusay in ay taageeradood u wareejinayaan dhinaca Hay’addaha gar-gaarka eek a hawlgala dalka Suuriya.

Tallaabada dalalka reer galbeedku ku joojiyeen caawimadii ay siin jireen mucaaradka Suuriya ayaa la rumaysan yahay in ay shaki gelisay xidhiidha ay kooxahaasi la leeyihiin Ururada mayalka adage ee hoos taga Urur weynaha Al-Qaida, kuwaas oo wadamada Britain iyo Maraykan u arkaan kuwo  khatar ku noqon kara Mandaqada haddii ay sii xoogaystaan.

Marar badan ayay dawlada bashaar Asad ku dhaleecaysay wadamada ay hormoodka u yihiin Britain iyo Maraykanka in ay taageerayaan kooxo Al-Qaida ah, kuwaas oo xukuumadda Bashaar Asad ula jeeday mucaraadka kasoo horjeeda, waxayana u muuqataa in tallaabada Britain iyo Maraykanku ku joojiyeen kaalmada ay siin jireen kooxda ugu weyn mucaaradka ay meesha ka saaray in xukunka Bashaar Asad laga guulaysto.

info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *