Hargeysa (ANN) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa u magacaabay  Gobolka Awdal Badhasaab cusub. Kadib  markii badhasaabkii hore ee gobolkaa loo magcaabay  iska dhiibay dalka Canada bilihii lasoo dhaafay. balse aan xilka qaadistiisa lagu sheegin

 

qoraalka madaxtooyada. Badhasaabka cusub ee
Madaxweyne Siilaanyo u magcaabay xilka   Axmed Xaddi Siciid  ayaa  lagu sheegay war saxaafadeed galabta uu soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), kaas oo u dhignaa sidan:-
“Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu maanta Xeer Madaxweyne oo Numberkiisu yahay  0172/092011  ku Magacaabay Mudane, Axmed Xadi Saciid inuu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Awdal.
Madaxweynuhu:
Markuu Arkay:         Qodobka 90aad iyo Qodobka 110aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,
Markuu Arkay:    Baahida loo qabo in Badhasaab loo magacaabo Gobolka Awdal,
Markuu Aqoonsaday:                Muhiimadda wayn ee loo qabo buuxinta hawsha jagadan Guddoomiyhaha Gobolka Awdal,
Markuu Ka Fiirsaday:    Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo,
Markuu Ku Qancay:                  In uu hanan karo xilkan Wuxuu go’aansaday
In Mudane  Axmed Xadi Saciid, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Awdal ee Jamhuuriyadda Somaliland.” Ayaa lagu yidhi qoraalkaa. Laakiin qoraalka kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha laguma sheegin in xilka laga qaaday masuulkii hore loogu magcaabay.
Dhinaca kale masuulkan ayaa noqonaya kii sadexaad oo xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo u magcawdo xilkaa tan iyo intii ay talada dalka la wareegtay oo laga joogo sannad iyo dhawr iyo sodon caanamaal.  Iyadoo gobolada dalka qaarkood aan wax is bedel ah lagu samayn oo ay weli xilka sii hayaan masuuliyiintii xukuumaddii Daahir Rayaale u magcawday sida badhasaabka iyo ku xigeenka gobolka Sanaag.
Si kastaba ha ahaatee magcaabista badhasaabka cusub ee Awdal ayaa ka danbaysay. Kadib markii Maxamed Daahir Cabdule oo  ahaa masuul uu hore Madaxweyne Siilaanyo u magcaabay gobolka Awdal horaantii August 2011,  ka baxay dalka, maalmo yar kadib markii uu xilkaa kala wareegay Maxamuud Sh. C/llaahi Cigge oo xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo dhamaadkii sannadkii hore u magcawday xilkaa, laakiin Badhasaabka hore ee hada la buuxiyay xilkii uu hayay  ayaa mudo yar ka dib  la sheegay inuu qoxooti ahaan isaga dhiibay dalka Canada. Waxayna magcaabista masuulkaa ee gobolka Awdal  kusoo beegmay iyadoo uu gobolkaa ka taagan yahay khilaaf siyaasadeed oo la xidhiidha Ugaas laga soo waariday dhinaca qurbaha oo la doonayo in lahu caleemo saaro gobolka, balse khilaaf iyo muran siyaasadeed abaabulkiisu ka abuuraay gobolka. Kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya inuu  wato qorshe  siyaasadeed oo Soomaali weyn ee aanu  ahayn madaxdhaqameed.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.co

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *