London(ANN)Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibada Somaliland Dr. Maxamed C/llaahi Cumar iyo wefdiga uu hogaaminayo  oo gaadhay  magaalada London oo ay ka furmayaan saacadaha soo socda wadahadalada dhexmaraya Somaliland iyo Somalia,  ayaa u qadimay

 

Xoghayaha Arrimaha Dibada ee Britain  William Hague qoraal ku waajahan mawqifka Somaliland ee wadahadaladaa.
Qoraalka ayaa  lagu  sheegay in Somaliland go’aansatay inay ka qayb gasho shirkaa oo Arbacada beri ka furmaya London, isla markaana ay Somaliland ka filayso dhineceeda inuu yahay mid ay  Somalia ku garwaaqsato xuquuqda, dawladnimada iyo madaxbanaanida Somaliland, maadaama ay Somaliland tahay dal madaxbanaanidiisii la soo noqday. Sidaa awgeed beesha caalamkana ka doonaya ixtiraam iyo ictiraaf buuxa.
Wasiirka arrimaha Debeda Somaliland, waxa  kale oo uu ku xusay qoraalka in qaranimada Somaliland aanay marnaba gorgortan gali Karin,  isla markaana aanay khusayn distoorka ay samaysteen dawlada Somalia.
Dr Maxamed C/llaahi Cumar waxa uu qoraalkiisa ku sheegay in Somaliland tahay dawlad ay kaabayaasheedu u taagan yihiin, balse waxyaabaha ay ka wada hadli karaan Somalia ay tahay sidii loo noqon lahaa laba dal oo deris ah oo xidhiidh darisnimo oo wanaagsan ka yeesha, la dagaalanka argagixisada iyo  xal u helida budhcad badeeda.
Waxa kaloo qoraalkaa lagu xusay dhibaatooyinkii cuslaa ee ka dhashay midowgii ay Somaliland la gashay Somalia,  kaas oo  ay ku dhinteen dad ka badan konton kun oo qof, taas  ay dheer tahay bara kicii loo gaystay ummada Somaliland iyo burburintii lagula kacay hantidooda iyo dhamaan magaalooyinka dalkani ka kooban yahay.
Sidaa awgeed  jiritaanka iyo gooni isu taaga Somaliland uu yahay mid nafo badan iyo hanti aan qiyaas lahayn lagu waayay ,waxaana u mahadceliyay wasiirku dawladaha  Britain, Norwey iyo Midowga yurub oo suurto galiyay qabsoomida wada hadalada dhex maraya Somaliland iyo Somalia, isagoo ka codsaday  inay aqbalaan xaqiiqda dhabta ah ee ka jirta Somaliland oo ah dal madax banaan oo xor ah oo horseed u ah nabad galyada iyo daganaanshaha geeska afrika.
Dr. Maxamed C/llaahi, wuxuu qoraalkaa kaga codsaday Xogahayaha arrimaha dibada ee dawlada Britain inuu qoraalkiisa u gudbiyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Baan kii Moon iyo Golaha Amaanka.

Dhinaca kale xoggo Dublamaasiyadeed ayaa sheegaya in wadahadalada oo bilaabmaya Arbacada ee taariikhdu tahay 20 June 2012, ayaa  ka dhaci  doona London, waxaana   lasoo gunaanadi doono Khamiista 21 June, iyadoo wadahadalka dhexmaraya Somaliland iyo Soomaaliya ay goob-joog ka noqon doonaan dawladaha Britain , wasiirka arrimaha debeda Norway,  Jonas Gahr Støre, iyo Madaxweyne xigeenka Midowga Yurub.
Wasaaradda Arrimaha Dibedda Ingiriiska ayaa farsamo ahaan iyo shaqo ahaanba gacanta ku hayn doonta goobta wadahadalku ka dhacayo, waxayna halkaas ka bixin doontaa adeegyada loo baahan yahay oo dhan, sida  dhinacyada turjumaadaha, hab-maamuuska iyo farsamadaba.

Dawladda Ingiriiska, ayaa la xaqiijiyey inay wadahadalkan u qorshaysay inuu u dhaco qaab ah 1+4 oo ah in labada dal ee Somaliland iyo Soomaaliya magacaabaan min hal qof oo masuul uga noqda wadahadalka (Chief Negotiator) iyo afar xubnood oo taageerayaal ah, iyadoo Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar iyo Wasiirka Amniga Qaranka dawladda ku-meelgaadhka ah ee Soomaaliya Mr. Cabdisamad Maxamuud Sheekh ay labada dhinac wakiillo uga yihiin wadahadallada gogol-xaadhka ah, halka xubnaha kale  ee  labada geesood noqon doonaan taageerayaal ka caawinaya dhinacyada farsamada wadahadalka.
Wejiga koowaad ee wadahadallada oo bilaabmaya  toddobaadkan,  ayaa sida la xaqiijiyey waxay ku saabsanaan doonaan dhammaanba qodobadda mudan in laga hadlo ee khuseeya labada dal, sida  arrimaha siyaasadda, nabadgelyada, iskaashiga iyo xidhiidhka la wadaagi karo, iyadoo qodobadda ugu xaasaasisan ee miiska yaala ay  la xidhiidhaan arrimaha siyaasadda, kuwaas oo ay ka mid yihiin madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland oo xuduudaheedu yihiin kuwii taariikhiga ahaa ee laga dhaxlay boqortooyada Ingiriiska markii Somaliland xorriyadda qaadatay 26 June 1960.
Waa markii u horreysay ee Somaliland iyo Soomaaliya isugu yimaaddaan wadahadallo noocan oo kale ah, iyadoo kulanka gogol-xaadhka ahna ay ku xigi doonaan wadahadallo dhexmara labada madaxweyne ee Somaliland iyo Soomaaliya.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *