Madaxwaynihii hore Masar Maxamed Xusni MubarakQahira(ANN) Madaxweynihii hore ee dalka Masar Maxamed Xusni al-Sayyid Mubarak oo xukunka ka degey February 2011, kadib markii ay hadheeyeen debedbaxyo lagu dalbanayay inuu xukunka ka dego,  ayaa  Diyaraad lagaga qaaday xabsiga, isagoo xaaladiisu liidato, wararka qaar ayaa

sheegaya inuu  ku geeriyooday caawa xabsi uu ku jiray oo dalka Masar ah.
Laakiin waxa la arkayay , iyadoo golaha Milateriga Masar ee la tacaalaya qalalaasaha siyaasadeed ee ka aloosan dalka ay caawa diyaarad Elecobtar ah kaga qaadeen xabsiga.
Xusni Mubaarak 84 jir ahaa, wuxuu   mudo sodon sanadood ah xukumayay dalkiisa, ayaa xabsiga markii uu xukunka ka degey, waxaana  horaantii sanadkan 2 Jun 2012,  go’aanka maxkamadda  uu ku dhawaaqay xaakim Ahmed Refaat uu ku  sheegay in maxkamaddu ay Maxamed Xusni al-Sayyid Mubarak ku xukumay xabsi daa’in eedihii loo haystay oo ah fududaynta dambiyo dil lagu gaystay.
Xaakimka Axmed Refaat, wuxuu sheegay in lagu waayay Mr Mubarak eedo musuqmaasuq lagula  xidhiidhiyay,  balse wuxuu sheegay in dadka Masar intii uu xukumayay ay soo mareen sodon sano oo mugdi ah.
Isla maxkamadda, ayaa labada wiil ee uu dhalay madaxwaynaha hore, Gamal iyo Calaa oo ah wiilasha uu dhalay Mubarak, waxay sheegtay in aan lagu helin dambiyada loo haystay ee musuqmaasuqa.
Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Xabibi Al-Cadli, ayaa isaguna xabsi daa’in lagu xukumay lugtii uu ku lahaa dhimashada dibadbaxayaasha, balse lix saraakiil hore oo ka tirsanaa taliska booliiska, ayaa lagu waayay dambiyo noocaas ah.

Madexweynaha waddanka Masar, Xusni Mubarak oo mudo dheer soo xukumayay dalkiisa, wuxuu ugu danbayntii ku  u muuqday caawa inuu ku geeriyooday xabsiga  Sida ay baahisay wakalaada wararka Masar.
Xusni Mubaarak, wuxuu ka hor intii aanu  xukunka qabsan ahaa  Madexweyne ku-Xigeen, isagoo  u ahaan jirey Madexweynihii isaga ka horeeyey; Anwar Sadat, waxa uu xilka qabtey wakhti dalku ku jirey jawi khatar ah oo kacdoonno wadaaddu mayal adag ay socdeen.
Sidaas awgeed  way yaraayeen dadka masaarida ah ee barigaa  saadaalin kareyn  in Xusni Mubarak  uu Masar ka ahaan doono Madexweyne waqti  gaadhaya rubuc qarni.
Mubarak oo oo ahaan jirey abaanduule ciidamada Cirka ee dalka Masar, waxaana  xafiiska loo caleemo saarey 14kii Oktoober, sanadkii 1981kii, siddeed maalmood ka dib, markii Muslimiin mitid ah ay toogasho ku dileen ninkii isaga ka horeeyey ee Anwar Sadat, isagoo salaam ka qaadanayey ciidamda dalka oo socod ku marayaey faagaare ku yaal caasimadda Qaahira.
Inkastoo Mubarak xiliggaa aanu  la imaan wax weyn oo uu shicbku jecelyahey,  isla markaana aanu  caalamka ku laheyn magac weyn, haddana Mubarak oo ahaa saraakiisha ciidanka cirka,  ayaa joogistiisii u isticmaaley arinkii Sadat lagu diley oo ahaa inuu nabad la galo kooxaha Islaamiga ah oo awood weyn ku lahaa  masar,  welina ku leh, taasoo uu suurta gelisay inuu  sumacad weyn oo wixii mudadaa ka danbeeyay  loogu arkayay inuu yahey hogaamiye caalami ah.
Xasiloonida dalku soo marey
Waxa uu Mubarar uu Madexweyne ka soo ahaa Masar, wakhti ay dalkaasi ka soo jirtey xasilooni guud iyo horumar dhaqaale, taasoo macnaheedu ahaa in dadka ku dhqan Masar intooda badan ay ogolaadeen in Mubarak uu awoodda isku kaliyeelo, isagoo aan lahayn madaxweyne xigeen.
Hase yeeshee sanadii  u dambeeyey ee lasoo dhaafay, waxa markii u horeysey uu  Mr Mubarak dareemay caddaadis lagu saarayo dhiirigalinta dimoqraadiyada, kaas oo uga imaanayey waddanka gudihiisa iyo saaxiibka awoodda weyn ee Masar leedahey oo ah Mareykanka.
Laakiin qaar badan oo ka mid ah taageerayaasha isbedel doonka, ayaa shaki ka muujinayay daacadnimada Mubarak, marka uu ku baaqay inuu  taageersanyahay furfurista nidaamka siyaasadda, balse hada muran iyo qas soo waajahay mudadaa uu Mubaraak xukunka ka sii maqnaa, waxa dalka Masar hadheeyay muran ka dhashay doorashooyinka madaxtimo ee dalkaa oo ay ku guulaysteen kooxaha mayalka adag oo awood ku leh siyaasada. Laakiin weli waxa xukunka gacanta ku haya golaha milateriga.
Si kastaba ha ahaatee ma jirto cid xiligan saadaalinkarta siyaasada mustaqbalka Masar ee danbe iyo sida ay ku danbaynay.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *