Hargeysa(ANN) Madaxweyne Xigeenka Somaliland C/raxmaan Cabdilahi Ismaaciil (Saylici), ayaa sheegay inaanu waxba kala socon wadahadalada xukuumadda uu ka tirsanyahay ee Somaliland la yeelanay Somalia. C/raxmaan Saylici

oo shalay kusoo laabtay dalka. kadib markii uu socdaal laba todobaad ah ku maqnaa dalka Swedan, ayaa  ka gaabsaday su’aalo laga weydiiyay waxyaabaha ay Somaliland iyo Somalia ka wada hadlayaan, isla markaana wuxuu sheegay inaanu sheegi karin inuu jiro ajande qoran oo ay Somaliland la tegeyso wadahadaladaa oo Arbacada beri ka furmaya London.
Madaxweyne xigeenka Somaliland, wuxuu sidaa ku sheegay waraysi    uu shalay siiyay Laanta afka-somaliga ee Ideecada VOA-da ka hor intii aanay dalka ku soo laaban, wuxuuna mar la weydiiyay ahmiyada uu wadahadalkaasi u leeyahay dhinacooda Somaliland, yidhi, “Wada-hadaladaasi waxaanu  u aragnaa kolay inay muhiim yihiin, waayo waxaanu ahayn laba dal oo walaalo ah oo wax wada lahaa mudo labaatan sanadood ku dhaw, markii horena laba Mustacmaradood kala gumaysanayeen, markaa waa muhiim in labadii dal ee wax wada lahaa wada-hadlaan,”.
Sidoo kale Madaxweyne xigeenka Somaliland C/raxmaan Selici oo la weydiiyay halka wax laga bilaabayo iyo inay jiraan cid aan labada dhinac Somaliland iyo Somalia ahayn oo ku dhex jirta waxa uu yidhi,  “kolay hawshu waxay u badantahay in dawladaha shisheeye goobta lagu wada hadlayo diyaarinayaan, goob joogna ay ka noqonayaan, laakiin wada hadalku wuxuu ka dhaxaynayaa Somaliland iyo Somaliya.
Hadalku  marka laguula yimaado ayuu  imanayaa, laakiin hada ku odhan kari maayo halkaas ayaa wax laga bilaabayaa, markaa dee markuu  ragu isku yimaado ayuu  nin waliba fikirkiisa iyo talada uu qabo yeelanayaa.”
C/raxmaan Seylici oo ka jawaabayay aragtidiisa waxa ay Somaliland ka helayso shirkaa ee faa’ido ah iyo inuu jiro ajande qoran oo ay la tagtay, wuxuu yidhi,    “horta annigu dalkii waxaan ka soo maqnaa mudo 17 maalmood ah , runtiina waraysi badan umaan helin inaan la xidhiidho madaxweynihii iyo xukuumaddii markaa ajandahaasi inuu qoranyahay iyo  in kale kama warami karo.
Somaliland ahaanse, waxaanu  jecelnahay  in Walaalahayaga Somaliya ay nagu taageeraan dawladnimadii lixdankii aanu ula tagnay oo aanu maanta doonayno inaanu kala soo noqono, sababtoo ah waad ogtahay dhibaatooyin baddan baa jira, dadkuna aqoon ayuu leeyahay oo waa la horumaray, markaa waxaanu  jecelnahay inaanu noqono labada dawladood oo Soomaliyeed oo jaar ah, iyaguna sidaa nagu taageeraan,  waana  kaas  go’aanka  shacbiga  oo ah ta nalugu doortay ah ee aanu dalka ku hogaaminayno..”
Sidoo kale mar la weydiiyay Madaxweyne xigeenka haddii ay Somalia ku doodo inay doonayso midaw danbe, balse ay xaalmarin ka bixinayaan wixii dhacay xiliggii midawga, ama ku doodaan Somalia lixdankii idinkaa yimi maantana anagaa idiin nimi ee sidaa ku qaata midnimo,  waxa Somaliland uga meel yaal, wuxuuna isagoo arrimahaa ka jawaabaya yidhi, wuxuu  yidhi, “kolay taasi weftiga ayay u taalaa oo raga mudakarka ah ee la diray  ayaa ka jawaabi doona, waxaana la yidhi laba talaabo dhexdooda ayay talo ka dhalataa oo ka horka dhici maayo, kuna odhan maayo maya,  ama haa ayaanu odhanaynaa, laakiin anigu waxaan kuu sheegay uun Hilimada shacbiga reer Somaliland  inay tahay inay dawlad madaxbanaan  noqdaan  oo ay si mutadawacnimo ah kula soo noqdeen dawladnimadoodii, sidaasi oo kalena ay ula hadlayaan maanta iyagoo dawlad ah.
.
Mar la weydiiyay Dastuurka Somalia loo sameeyay ee aan weli la ansixin iyo aragtidiisa haddii la raaco qodoka sheegaya laba gobol oo midoobaya, ama kala baxay oo afti loo qaadayo, wuxuu yidhi, “Haddii ay Dantu kalifto weeye , laakiin waxa weeye  kolay dastuurku iminka maaha mid aanu u dhanahay oo Somaliland iyo Somaliya wada khuseeya ee inta badan waxa uu khuseeyaa Somaliya, waxaanan jecelnahay walaalahayaga Somaliya inay na soo gaadhaan oo halka aanu joogno soo gaadhaan, oo dhibaatooyinka jira ay ka takhalusaan , markaa markay na soo gaadhan ee iyagoo dawlad ah dimuquraadiya sidayada oo kale wixii talo ah ee la gaadhayo waa la gaadhi , wixii wax  lagu wanaajin karo, laakiin midnimada Somaliya waxaan cunfi ahayn ma keenaysee  in si walaalnimo leh lagu kala baxo ayaanu jecelnahay.” Ayuu yidhi C/raxmaan Seylici.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *