BiixiLondon(Arraweelo News Network) Shirkadda Genel Energy ee hore u joojisay hawlihii baadhista Shidaalka ee ay ka waday Somaliland , ayaa ka dalbatay wefdi ay hormood u yihiin Wasiiradda Arrimaha

debeda iyo wasiirka arrimaha Gudaha Cali Maxamed Waran-cade in ay kulan kula yeeshaan dalka Britain.

 

Wasiirka arrimaha Gudaha oo saacadaha soo socda ka baxaya xarunta dalka Ethiopia, wuxuu qayb ka noqonayaa wefdi uu hogaaminayo wasiiirka Arrimaha debeda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo kaga horeeya magaalada London.
Sidaana waxa shebekadda wararka Arraweelo News u sheegay dad u dhuun daloola dhaq-dhaqaaqa hawlaha shirkaddahaa, kuwaas oo tibaaxay in ay macquuul tahay in gebi ahaanba shirkaddaha  hawsha baadhista Batroolka ka waday Somaliland meesha ka baxaan oo ay hawshaa baadhista bilaabaan shirkaddo kale oo laga leeyahay dalka Britain.’

Hase yeeshee dalka shirkadda Genel ku dalbatay Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland in uu ugu boqoolo dalka Britain, iyadoo la filayo in Wasiirka arrimaha debeda Somaliland ooh ore ugu sii baxay dalka London uu ku biiro Warancade, waxayna wararka arrimahaa la xidhiidha sheegayaan in ay masuuliyiinta Somaliland kulan wadahadalo aan la ogayn ujeedadooda iyo inta ay qaadanayaan la yeelanayan masuuliytiinta shirkaddaa , balse  wadahadalaa ayaan si cad loo ogayn ujeedadooda  iyo waxyaabaha lagaga hadlayo.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somalland Cali Maxamed Warancade ayaa hada ku sugan xarunta dalka Ethioopia ee Addis Ababa, waxaana la filayaa inuu safar ugu baxo dalka Britain, isagoo ka jawaabaya dalabka Masuuliyiinta shirkadda Genel, taas oo dhawr bilood ka hor joojisay hawlihii baadhista shidaalka . kadib markii muran iyo buuq ka dhashay qaabka loo maamulay qandaraasyada oo dadka deegaanku saluugeen sabab  u noqday in ay ka baxdo dalka oo ay gebi ahaanba joojiso hawlihi ay ka waday.
Masuulyiin ka socday shirkadda genel ayaa dhowaan yimi Somaliland waxayna kulan albaabada loo xidhay oo ay qasriga Madaxtooyadda Somaliland kula yeesheen Madaxweyne Siilaanyo ka dib sheegeen  in hawshii ay dib u bilaabayaan, isla markaana la saxayo khaladaadki dhacay.
arraweelo.com@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *