Hargeysa(Araweelo News Network) Musharaxa jagada Madaxweynaha ee xisbiga mucaaradka ee UCID, Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen iyo wafti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa ciidanka Booliska

Somaliland saaka barqadii ka baaciyeen kaantaroolka dhinaca galbeedka hargeysa ee Caabudla.

Wefdiga Jamaal Cali Xuseen oo u safrayay dhinaca magaalada gebilay, waxay ciidanka boolisku hor istaageen in ay u gudbaan dhinaca gebilay, kuwaas oo u sheegay wefdiga inay iyagu mar haystaan oo keliya in ay celiyaan sida uu sheegay Taliyaha qaybta gobolka gabiley oo ay weheliyan taliyeyaash kala duwn ee saldhigyda.

Qadar cabaar ah ka dib Jamaal Cali Xuseen iyo wefdigiisa oo ay xubno ka ahaayeen Marwo Faadumo Siciid iyo xubno kale, waxay markaa ka dib kusoo laabteen dhinaca Haregsya, isagoo warbaahinta u sheegay in ujeedada safarkooda dhinaca Gebilay ahaa sidii ay ugala tashan lahaayeen taageerayaashooda deegaanka  sidii loo magacaabi lahaa gudoomiyihii iyo ku-xigeenkii, xoghayihii xisbiga UCID ee gobolka gabiley.

Sidoo kale Musharax Jamaal Cali Xuseen, waxa uu sheegay in ujeedada safarkooda ay qayb ka ahayd xubno uu tiradooda ku sheegay boqol oo ay hore ugu balanqaadeen in ay ka mid noqdaan golaha dhexe ee xisbiga UCID.

XogayahaMaaliyadda ee Xisbiga UCID,  Marwo Faadumo Siciid oo halkaasi ka hadashay ayaa ka dhawaajisay inay xukuumadu cadeyso inay gabiley Somaliland ka tirsn tahay iyo in kale, waxayna sheegtay in xalay lagu war geliyay in loo diidayo safarkooda, iyadoo arrintaa si weyn ugu eedaysay Marwada Madaxweyne Siilaanyo Aamina Weris oo ay sheegtay in safar ay dhowaan ku tageen deegaanka ku sheegeen in aanay booqan Karin deegaanka,

Marwo Faadumi Siciid oo arrintaa ka hadlaysa waxay tidhi, “Maxamuud Diiriye iyo Marwo Aamina Waris oo wada socda ayaa tegey dhowaan, waxayna kaga dhawaaqeen in aanan (Faadumo Siciid)  soo gali Karin, anigu amarkan waxaan u maleynayaa inuu kasoo baxay kijinka Madxtooyada Somaliland,  xukuumadda waxa looga fadhiyaa in ay cadeyso inay gabiley ka tirsan tahay Somaliland iyo inay dal kale ka tirsan tahay, “ayey tidhi Faadumo Siciid.

Dhacdadan ayaa dad badan xusuusisay  dhacdooyin sidan oo kale Madaxweyne Siilaanyo oo xliggaa aha mucaarad  loogu diiday inuu booqdo deegaaamo ka tirsan dalka, kuwaas oo xukuumaddi waqtigaa ee UDUB oo uu hogaaminayay Daahir Rayaale ku macnayn jirtay in aana la gaadhin xiliggii kaanbaynka, balse xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaan wax sharaxaad ah ka bxin dhacdada la yaabka ah ee Musharaxa Xisbiga UCID ee Madaxweynaha iyo wefdigiisa loodu diiday in ay booqdaan deegaanka safarkoodu ku wajahnaa ee Gebilay.

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *