Boosaaso(Araweelo News Network) Siyaasiyiinta doonaya inay ka qayb galaan tartanka doorashada la doonayo in lo galo hogaaminta maamulka gobolka Puntland ee Somalia ayaa ku gacansaydhay

qorshe uu Cabadiraxan Faroole shalay ku shaaciyay gudi uu sheegay inay noqonayaan kuwa tartanka doorashada gobolkaa ka gar naqaya.

Waxayna qaar ka kid ah xubnaha u tartamaya hogaaminta maamulka Punland ooh ore ugu dhawaaqay in ay yihiin musharaxiin maanta si weyn ganafa ugu dhifteen xubnaha uu magcaabay Cabdiraxaan Faroole, kuwaas oo ay sheegeen musharixiintu in aanay ahayn kuwo dhex ka noqon kara doorashada, isla markaana ku tilmaamay xubnaha gudidaa kuwo gacanta ugu jira maamulka Faroole oo doonaya inuu ku shubti doorashada.

Arrintaa ayaa abuurtay  Khilaaf weyn oo  soo kala dhaxgalay siyaasiyiinta mucaaradka maamulka Puntland iyo Cabdi Raxmaan Faroole oo mudo ka war wareegayay in uu qabto doorasho, isla markaana doonaya inuu sii haysto xukunka.
“marnaba ma ogolaanayno in maamulka Garoowe Faroole ku takrifalo awooda maamulka, wuxuu magcaabay gudi aanu cidna kala tashan, iyadoo hore loogu heshiiyay in musharixiinta tartamaya oo uu ka mid yahay wada magcaabaan gudida khilaafaadka doorashada, waxaana arrintaa qoraalkeeda nasoo gaadhsiiyay Ergayga Qaramada Midoobay Nicolos Key iyo Odayaasha dhaqanka, waxaan ku war helay maanta inuu magcaabay gudidii khilaafaadka, mana aha arrin aanu aqbalayno” sidaa waxa yidhi mid ka mid ah musharaxiinta magaalada Boosaaso maanta kula hadlay saxaafada.

Dhinaca kale Cabdiraxaan Faroole oo shalay shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Garowe ka sheegay in maamulkiisu uu magacaabay guddiga doorashooyinka,  kuwaas oo xallin doona khilaafaadka ka yimaada natiijada doorashada.

Musharaxiinta ku gacansaydhay magcaabista Cabdiraxamaan Faroole ee gudidaa waxa hormood u ah Siyaasiyiin caan ah Somalia oo qeyb ka ah murashinimada, kuwaas oo u taagan xilka madaxtinimo ee maamulka gobolka Somalia ee Puntland, waxaana laga cabsi qabaa in arrintani khilaaf marar hore laysku maandhaafsanaa doorashada Puntland ay dib usoo celiso, taas oo saamayn ku yeelan karta deganaanshaha Punland oo ahayd gobol ka badbaaday mushkilada Somalia, isla markaana mudo kusoo caana maalay qaacidadii lagu dhisay qarimada iyo nidaamka dawliga ah ee Somaliland oo six or ah ay uga dhaceen doorashooyin madaxtooyo oo ay isku bedeleen sade madaxweyne , kuwo baarlamaan, golayaal deegaan, tartanka axsaabta badan  oo doorashooyinka axsaabta iyo golayaasha deegaanka laba jeer la doortay tan iyo markii ay Somaliland qaadatay nidaamka axsaabta badan sanadkii Dec,  2002.
arraweelo.com@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *