Berbera(ANN)Wasiirka Arrimaha gudaha Maxamed Nuur Carraale Duur, ayaa galabta u baxay magaalada xeebta ah ee Berbera oo maanta mudaharaadyo rabshada wataa ka dhaceen, kuwaas oo lagaga soo horjeeday xilka qaadis xukuumaddu xalay ku samaysay badhasaabkii hore ee

Saaxil Maxmuud Ramaax, isla markaana ku magcawday Badhasaab cusub.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa la filayaa inuu kulamo la yeesho Odayaasha iyo waxgaradka Saaxil, kuwaas oo uu kala hadlayo sidii loo dejin lahaa xaalada.

Dhinaca kale wadada isku xidha magaalooyinka Berbera iyo Burcoo ay saaka xidheen koox malayshiyo ah, ayaa dib loo furay maanta gelinkii danbe, taas oo la xidhiidhay xilka qaadista Badhasaabka Berbera, balse sida ay shebekada wararka ee Araweelonews u sheegeen qaar ka mid ah dadka deegaanku wadada ayaa dib loo furay kadob markii ay qadar dhawr saacadood ah hakad galeen isu socodka gaadiidka iyo dadku, iyadoo ay arrintaa ka hawlgaleen Badhasaabka xilka laga qaaday Mr. Ramaax iyo Maayarka cusub ee Berbera, kuwaas dedaal ka galay sidii loo dejin lahaa xaalada ee wadada loo furi lahaa.

Dhinaca kale Xaalada magaaladda Berbera ayaa degan  gelinkii danbe, balse dadka mudaharaadyada rabshadaha wataka waday saaka halkaa ayaa galaalafay meherado ganacsi oo kala duwan oo la boobay iyo dhismayaal la shiiday oo la jejebiyay.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *