Berbera(ANN)Mudaharaado rabshado wata ayaa saaka ka bilaabmay magaalada Berbera ee xarunta Gobolka Saaxil, kuwaas oo ka danbeeyay kadib markii xukuumadda Somaliland xalay xilkii ka qaaday Badhasaabkii hore ee gobolka Saaxil Maxamuud

 

Cali Saleebaan (Ramaax), isla markaana Magcawday badhasaab cusub.
Dadka Mudaharaadayay oo u badnaa dhalinyaro Arday ah, ayaa saaka isugu soo baxay xafiiska Badhasaabka Gobolka, kuwaas oo ku dhawaaqayay ereyo ka dhan xukuumadda Siilaanyo, isla markaana muujiyay sida ay uga xun yihiin xilka qaadista Badhasaabka hoere.

Mudaharaadayaasha, ayaa weeraray xarumaha ganacsiga ee gaarka loo leeyahay sida xafiiska Shirkada Dahabshiil oo ay khasaare gaadhsiiyeen, waxa kale oo ay weerareen Meherado ganacsi oo dad shicib ahi leeyihiin, kuwaas oo qaarkood la boobay.
Maayarka Cusub ee Degmada Berbera C/shakuur Ciddin oo dadkaa kula hadlay xarunta Dawlada Hoose ee Berbera, ayaa u sheegay inay is dejiyaan oo joojiyaan rabshadaha, wuxuuna ugu baaqay inaan la samayn wax nabadgelyada wax u dhimaya.

Dhanka kale wararka ka imanaya dhinaca Degmada Sheekh, ayaa sheegaya in koox Malayshiyo hubaysan oo kasoo jeeda deegaanku ay xidheen wadada isku xidha Burco iyo Berbera, taas oo sababtay inay kala xidhmaan gaadiidka isu socodka magaalooyinku,  iyadoo gaadiidka u socday dhinaca Berbera qaarkood dib ugu laabteen magaalada Burco.
waxa jira warar sheegaya inay Xukuumadda Somaliland  u dirtay ciidamada amaanka halkaa si loo baneeyo wadada, balse ma jiraan warar rasmi ah oo si dhab ah u sheegaya xaalada ka taagan halkaa.

Maareeyaha Dekedda Berbera Eng. Cali Xoor Xoor oo ka hadlay dhacdadaa ayaa sheegay in arrintaasi saamayn ku yeelatay dhaqdhaqaaqii dekedda iyo badeecadihii isaga gooshayay dalka, isla markaana ay tahay talaabo khaldan.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *