u_85494d_2012-12-22-17-10-47f_21945Hargeysa(ANN)Kulan markii u horaysay madal laysugu keenay mudanayaasha golaha deegaanka caasimada Hargeysa oo ka kooban 25 xildhibaan ayaa ka dhacay maanta Huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa.

Kulankaa oo ahaa casuumad qada sharafeed uu sameeyay Wasiirka arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraale Duur, waxa kale oo ka qaybgalay wasiirka Maaliyadda Somaliland C/casiis Maxamed Samaale, Wasiiradda Waxbarashada Zam-Zam Cabdi Aadan iyo Wasiirka Kaluumaysiga, Kheyraadka Badaha C/llaahi Geel-jire, Maayarka mudadiisu dhamaatay Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir iyo xubno kale oo ka tirsan golaha deegaanka ee mudadoodu dhamaatay.

Wasiirka Arrimaha gudaha Maxamed Nuur Carraale oo hadal kooban ka jeediyay halkaa, ayaa yidhi “Mudanayaasha cusub waxaan leeyahay ku soo dhawaada Eed, Wax-qabad iyo dedaal, Qaranka maalin walba waxbaa kusoo kordha qof xil loo magacaabay, mana jiro qof  wax-qabad la’aan kag tegey oo Ninba inbuu ku daray, sidaa uu Eng. Jiciir sheegay ee uu leeyahay annaa Kuraastii ugu horaysay ee Xafiiska Dawlada hoose bixiyay, maanta waxa laga sheegayay shirkii Golaha Wasiiradda in 45 Waddo oo cusub  oo Caasimadda laga jeexay mid waliba dhererkay doonto ha lahaatee, markaa Xildhibaanadii afarta Boqol ee Waddo ka dhisi lahaa Hargeysa sow idinka maaha, sidaasaan idin rajeynayaa.” ayuu yidhi. Duur.

Wasiir Duur waxa uu sheegay in waxa keliya ee ka hadhay inay fadhiistaan oo kulankooda u horeeya qabsadaan golaha deegaanka ee cusubi ay tahay inuu warqad u qoro Maxkamadda si loo dhaariyo mudanayaasha golaha deegaanka ee Caasimada, taas oo uu sheegay inuu diyaarinayo, isagoo yidhi, “Waxaad ogtihiin in dalka meelo badan Golayaasha deegaanka nidaamkoodii sharci laga deg-degay,  mudanayaasha dhamaantood xusuusinayaa xilkaa laydiin doortay waa xil waajib sharciya ku hesheen oo laydinku soo doortay oo aan cidi idiin diidi karin, waa xil sharci ku dhisan, waa xil inta hadhayna u baahan in sharci loo maro oo taalabo kasta oo la qaadayo shuruucda wadanka la waafajiyo, waana  wax ku dhisan ilaa qofku intuu Kursiga Fadhiisanayo, sababtoo ah, idinku Baarlamaan deegaan ayaad  tihiin, sharcigiinuna waxba kagama duwana kii aan kusoo maray Wakiiladda markii lay soo doortay, markaan akhriyay Xeer lr 23 Qodobkiisa 62-aad oo cadaynaya qaabka sharci ee marka xildhibaanka la doorto dhamaan talaabooyinka sharci ee la qaadayo.
sidaa darteed ,waxaan xasuusinayaa Deegaamada Garab maray sharciyadaa hal qodob oo ka mid ah inaanay sharci noqon doonin, dhamaan deegaamada Fadhiyadoodii hal qodob keliya oo ka mida sharciga la garab maray sharci ma noqon doonaan, laakiinse cidii si degen oo Waayeel ah nidaamka u martaa sidaa ayuunbay ku dhisanayaan, idinkuna sharciga ayaad sugayseen annagana waxa nagu waajib ah inaanu xiliga aad idinku  diyaar noqotaan aanu Maxkamadii idiinku yeedhno oo Dhaartii  gashaan, wixii idinka dhimana waa wax gacantiina ku  jira”

Maayirka Caasimada Hargeysa ee wakhtigu ka dhamaaday Xuseen Maxamed Jiciir oo isaguna kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu gacmo furan iyo wax-qabad ay gaadhay dawlada Hoose ee Caasimadu  kusoo dhaweynayo Xildhibaanada cusub, isagoo yidhi,  “waxaa farxad noo ah inaad shaqada dawlada hoose nagala wareegi doontaan 10 sanadood ka dib, idinka waxa farxad idiin ah inaad dawlada hoose timaadaan iyadoo dawlada hoose nidaamsantahay oo maanta meel dhisan oo lacag badan inaad timaadaan, oo wax badan la qabtay, haday wadooyin tahay iyo haday Sariibado tahayba”.ayuu yidhi.

Sidoo kale waxa madashaa hadal kooban ka jeediyay Badhasaabka cusub ee Gobolka Maroodi-jeex Axmed Cumar Xaaji Cabdilaahi (Xamarji), wuxuuna mudanayaasha cusub kula dar-daarmay inay muujiyaan xil kasnimo shaqo iyo wax-qabad, kana fogaadaan is-qab-qabsi iyo muran dhexdooda ah, isagoo yidhi,  “waxaan idinkula dar-daarmayaa inaydaan dhexdiina murmin oo aad bulshada u adeegtaan, waxaanad ogaataan in Bulshada reer Somaliland Maanta baratay Xisaabtanka iyo sida loola xisaabtamo dadka la soo doortay”ayuu yidhi.

Dhinaca xildhibaanada cusub ee golaha deegaanka waxa u hadlay Eng. Yuusuf Warsame Siciid iyo Xildhibaan Cabdirisaaq Faarax Xasan (Qawdhan) oo gabagabdii shirkaa u mahad naqay Madaxda Xukuumadda iyo Golayaasha kale ee Qaranka, isla markaana halkaa kaga dhawaaqay inay qaateen guud ahaanba talooyinkii loo soo jeediyay.
Kulankaa ayaa ahaa kii ugu horeeyay ee ay ku kulmaan mudanayaasha golaha deegaanka Caasimada oo maalmihii u danbeeyay ku mashquulsanaa kulamo gooni gooni ah, kuwaas oo la xidhiidha loolan loogu jiro Maayarka iyo Maayar ku xigeenka, waxaana la filayaa inay maalinta beri la dhaariyo 25 xubnood ee golaha deegaanka Hargeysa, iyadoo markaa ka dib la filayo inay yeeshaan fadhigi  ay ku doortaan Maayar iyo Maayar xigeen, waxayna xoggaha hordhaca ah ee la xidhiidha arimahaasi sheegayaan in mudanayaasha intooda badani hada isla qaateen in Jagada Maayarka loo doorto Eng. Yuusuf Warsame Siciid, kaas oo ah xubinta ugu miisaanka culus xubnaha golaha deegaanka, isla markaana ah xubinta xisbiga xukuumadda ee Kulmiye  hore ugu  iclaamiyay inuu noqon doono Maayarka Caasimadda Hargeysa xiliggii Ololaha kaanbaynka doorashada, kaas oo rayal caamka bulshada intooda badani ku qanacsan yihiin,  balse waxa jira weli sida ay tibaaxahaasi  sheegayaan xunbo kale oo loolan ugu jiray jagada Maayarka, kuwaas oo aan weli qaarkood ka hadhin damacooda.

sidoo waxay xoggahaasi sheegayaan in aan weli laysla meel dhigin xubinta loo dooranayo Maayar xigeenka, taas oo ay jiraan rag badan oo tartan ugu jiraa, balse  ay suurta gal tahay inuu noqdo C/casiis Maxamed Xaashi oo ah Nin dhalinayaro ah, kaas oo ka mid ah dhalinyarada ugu fir-fircoon ee kusoo baxay doorashadii golayaasha deegaanka ee dalka ka dhacay 28 Nov 2012. Laakiin waxa jira warar kale oo sheegaya inuu ka mid yahay Maxamed Warsame Caalin (Timacadde) oo hore uga mid ahaa saraakiisha dawlada Hoose ee Hargeysa oo hada ka mid noqday golaha deegaanka ee cusub.
si kastaba ha ahaatee waxa doorashada golaha deegaanka caasimada Hargeysa oo aan weli dooran Maayar iyo Maayar ku xigeen noqotay mid ay bulshady si weyn ugu dheg taagay, iyadoo ay dad badani su’aalo iska weydiinayaan waxa ay kaga duwanaan doonaan golihii hore ee deegaanka toban sabnadood ka kor, kuwaas oo lagu xusuusan doono boob iyo musuq-maasuq baahsan oo aan taariikhda la ilaabi doonin. kadib markii ay xaalufiyeen dhulkii danta guud ee Caasimada, isla maraana maamulkoodu fidhiidh noqday, balse waxay calaamatu su’aal saaran tahay waxa ay golaha cusub ee loo doortay Caasimada Hargeysa kaga duwanaan doonaan golahaa hore ee ay xilka kala wareegayaan maalmaha soo socda.  
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *