Saaxil Maxmuud Ramaax, isla markaana ku magcawday Badhasaab cusub.
Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa la filayaa inuu kulamo la yeesho Odayaasha iyo waxgaradka Saaxil, kuwaas oo uu kala hadlayo sidii loo dejin lahaa xaalada.
Dhinaca kale wadada isku xidha magaalooyinka Berbera iyo Burcoo ay saaka xidheen koox malayshiyo ah, ayaa dib loo furay maanta gelinkii danbe, taas oo la xidhiidhay xilka qaadista Badhasaabka Berbera, balse sida ay shebekada wararka ee Araweelonews u sheegeen qaar ka mid ah dadka deegaanku wadada ayaa dib loo furay kadob markii ay qadar dhawr saacadood ah hakad galeen isu socodka gaadiidka iyo dadku, iyadoo ay arrintaa ka hawlgaleen Badhasaabka xilka laga qaaday Mr. Ramaax iyo Maayarka cusub ee Berbera, kuwaas dedaal ka galay sidii loo dejin lahaa xaalada ee wadada loo furi lahaa.
Dhinaca kale Xaalada magaaladda Berbera ayaa degan gelinkii danbe, balse dadka mudaharaadyada rabshadaha wataka waday saaka halkaa ayaa galaalafay meherado ganacsi oo kala duwan oo la boobay iyo dhismayaal la shiiday oo la jejebiyay.