Hargeysa(ANN)Koox Wadaado ah, ayaa si gaara ugu amar ku taagleeya Beeb Biyood mara Woqooyiga Magaalada Hargeysa oo ay dadka xaafadaha ku dhow u buixiyeen Beebka Maxaakiimta, kaas oo mudo dhawr sanadood laga joogo la geliyay halkaa, isla markaana kooxda Beebkaa

 

dhigtay heshiis la galeen xiligaa in qof kasta oo doonaya inuu biyo ka gashado Beebka soo maro iyaga, isla markaana bixiyo lacag boqolaal dolar ah oo mararka qaar gaadha kumanaan dollar, taas oo  ay sheegeen inay tahay lacagtii ay iyagu kusii maalgeliyeen Beebkaa. sidoo kalena waxay heshiiska ay la galeen wakaaladda Biyaha Hargeysa ugu sheegeen inaanay wakaaladdu gelin karin biyaha haddii ay soo dalbadaan dadka xaafaddu biyo gelin ilaa ay ogolaadaan kooxdaasi.
Hase yeeshee dadka xaafada ayaa cabashooyin ka muujiyay qaabka loo maamulo beebka ay sida gaarka ah u maamushaan kooxdaa wadaada ah, kuwaas oo gacanta ku haya maamulka beebkaa oo ay ahayd inay wakaaladdu maamusho, isla markaana loo qiimeeyo wixii kharash kaga baxay si ay dadka xaafadu ugu sinaadaan oo maamulka beebka biyaha dawlada loogu qareemeeyo wakaaladda, taas oo mad madaw badan ka dhashay sida ay kooxdaasi oo mudo dhawr sanadood ah gacanta ku haysay beebkaa u maamulay.

Maareeyaha Wakaaladda biyaha Hargeysa Ibraahin Siyaad Yoonis oo weriye ka tirsan shebekadda araweelonews wax ka weydiiyay sida ay suurta gal u tahay inay dad gaar ahi u maamushaan Beebkaa oo mara xaafad ka mid ah magaalada Hargeysa oo ay sida ay doonaan ugu amar ku taagleeyaan iyo waxa uu kala socdo hawshaa maareeye ahaan, wuxuuna isagoo ka jawaabaya arrintaa yidhi,
“Beebka Maxaakiimta wax mushkilad ahi kama jiraan, Odayaasha Xaafadda iyo Culimadu way dedaaleen, waxay ahayd inay hawshaa ay qabteen dawladu qabato xiligii maamulkii hore iyagaa soo dhigay Beeb sadex km iyo dheeraad soo dhigay Beeb 3 inch iyo 4 inch, waxa ka galay kharash badan, waxay maamulkii hore ku hesheeyeen in qofka intaan Biyaha loo gelin iyaga lasoo mariyo si kharashkii ka galay dib ugu soo noqdo, mudaaa hawshaa lasoo waday, hadana markaanu aragnay culayska dadka ka haysta iyo  in mudadii dheeraatay lacagtii waanu joojinay mana jiro qof danbe oo lacag laga qaadayaa, dhawrkii qof ee u danbeeyayna lacagta wakaaladda mooyee waa la joojiyay lacagtaa laga qaadi jiray dadka xaafada. laakiin markii aanu aragnay biyo yaraan xaafada jirta waxaanu u qorshaynay meel cayiman oo dadka degani ka cabi karaan oo keliya. markaa qofkii inta loo cayimay degani wuu soo dalban karaa mana jirto lacag laga qaadayo iyo shuruud lagu xidhayaa.” ayuu yidhi  Siyaad Yoonis
Dadka xaafadda uu Beebkaasi maro ayaa qaarkood marar badan  isku dayeen inay Beebkaa ka jiitaan Biyaha, balse waxa mushkilad ku noqotay markii ay ogaadeen in aan wakaaladdu maamulin Beebkaa oo ay dad gaar ahi sida ay doonaan u maamulaan, kuwaas oo qaar ka mid ah dadka xaafada ka qaada lacag kumanaan dollar ah, isla markaana waxay qaar ka mid ah dadka xaafadu ku doodayaan in wakaallada Biyaha Hargeysa oo ay ahayd inay maamusho beebkaa, isla markaana u xaq soorto dadka xaafada ay si hoose shuraako ula noqotay maamulka, iyadoo laga dhigay Beebkaa mashruuc dhaqaalle lagaga qaado dadka, iyadoo la leeyahay waa lacagtii lagu soo dhigay Beebka, wuxuuna maareeyaha Wakaaladda biyaha Hargeysa oo la weydiiyay inay wadaadada maamula beebkaa lacagtii ay sheeganayeen u noqotay iyo qiimaha ay wakaalad ahaan ku qiimeeyeen maadaama ay hawshii wakaaladda biyaha tahay hawsha ay sida gaarka ah u maamulanayaan kooxdaasi oo ay jiraan dad badan oo xaafadda degan oo loo diiday in Biyo gelin looga sameeyo Beebkaa, iyadoo la sheegayo in lacagtoodii iyo macaash badan oo kale ka heleen, balse ay weli hawshaa iyagu maamushaan, balse waxa uu sheegay inaanu waxba kala socon arrimahaa oo aanu sheegi karin inay lacagtoodii heleen kooxda maamusha beebka iyo in kale, isagoo yidhi, ” markii hawsha Beebka la bilaabay maan joogin, waxay ahayd Afar sanadood ka hor mana odhan karo, way heleen lacagtoodii iyo may helin midna. laakiin markii aan arkay in mudadii dheeraatay waxaan joojiyay in qof kale lacag laga qaado, balse markii mudadii dheeraatay ayaan joojiyay mana jiro qof loo diiday. aniga ha ii yimaado qofka loo diiday” ayuu yidhi.Ibraahin Siyaad Yoonis
inaksta oo maareeyaha wakaaladda Biyuhu sheegay inuu joojiyay in lacag laga qaado dadka oo ay wakaaldu maasuho beebka, hadana waxa uu qiray inaanu waxba kala socon lacagta dadka laga qaado inay dhamaatay iyo in kale, isagoo dhinaca kelana sheegay inay kooxdani heshiis la gashay wakaaladda maamulkii isaga ka horeeyay, taas oo aanu waxba kala socon, balse uu joojiyay oo keliya markuu arkay in mudadii dadka lacagta laga qaadayay dheeraatay.
arrintan ayaa muujinay fadeexad maamul iyo musuq-maasuq oo aanay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo waxba kala socon, balse koox yar oo isku xidhani si gaara u maamulato biyaha xaafad ka mid ah xaafaddaha magaalada Hargeysa, iyadoo ay jiraan cabshooyin dadka xaafadaha kale ee caasimada Hargeysa oo ku cabanaya inaan biyaha si cadaalad ah loogu qaybin, isla markaana uu jiro ganacsi hoose oo biyaha qaybintooda la xidhiidha, kaas oo meheradaha waaweyn sida Huteelada iyo dadka haysta meelaha biyaha lagu iibiyo lacag dheeraad ah ay ku bixiyaan, taas oo sababta inaan xaafadaha qaarkood anay helin biyihii ay heli jireen dhawrkii habeen mar, ama todobaadkii hal habeen.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office 
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *