Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa maanta sameeyay xil ka qaadis iyo magcaabis uu  ku sameeyay  laba masuul, kuwaas oo kala ah wasaaraddaha Arrimaha gudaha iyo wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyaynta iyo gaadiidka. sidaana waxa lagu sheegay war saxaafadeed

 

kasoo baxay qasriga madaxtooyada, kaas oo u qornaa sidan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Digreeto madaxweyne oo numberkeedu yahay  No. JSL/M/XERM/249-1329/092012 ku magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyaynta iyo Gaadiidka JSL.
Madaxweynuhu:-
Markuu Arkay:                   Qodobka 90aad faqradiisa (3)aad, Xarafka (kh) ee Distoorka Qaranka,
Markuu Tixgeliyey:           Ahmiyadda ay Agaasimayaasha guud u leeyihiin Dhismaha Qaranka,
Markuu Arkay:                   In baahi loo qabo buuxinta jagadan hoos ku xusan.
Markuu La Tashaday:      Madaxda ay khusayso,
Markuu ku qancay:           Kartidiisa, Aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo,
Wuxuu go’aansaday
1.     In Mudane, Cabdisamad Cumar Maal, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL.

2.     In Mudane, Xuseen Xaaji Axmed Yusuf, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyaynta iyo Gaadiidka JSL.” ayuu yidhi.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *