Mombasa(Araweelo News Network) Sheekh Ibraahim Rooboow ayaa xalay   lagu toogtay Magaalada xeebta ah ee Mombasa. Kadib  markii gaadhi ay saarnaayeen

 

wadadkaa iyo Afar qof oo kale koox dablay ah oo aan la aqoonsan tacshiirad rasaas ah la beegsadeen gaadhi ay saarnaayeen.
Mid ka mid ah dadka Sheekha la saaraa gaadhiga ayaa kbadbaaday  falkaa, waxaana la aasay isla maanta wadaadka iyo dadkii kale ee gaadhiga la saarnaa.

Sheekh Ibraahin Rooboow ayaa xiligga tacshiiradda rasaasta ah lala beegsaday ka tegey Masjid uu maxaadarooyin ka jeediyo oo sidan oo kale sanadkii hore wadaadkii Masjidkaa Maxaadarooyinka ka jeedin jiray loogu dilay shirqool, iyadoo lagu eedeeyo masjidkaa oo lagu magcaabo  in laga taageero Ururka Al-shabaab.
Muslimiinta magaalada Mambasa ayaa maanta debedbax sameeyay, iyagoo ka cadhaysan dilkaa, waxaana isku dhac dhexmaray  ciidamada Booliska, waxayna wararku sheegayaan in Ciidamada Boolisku xidheen ilaa toban qof. Kadib markii rabshadaha ka dhashay dilka Sheekhaa ay sababeen in dadka ka cadhooday dab qabadsiiyaan Kaniidsad.

Dalka Kenya waxa dhawr todobaad ka hor ka dhacay dhacdadii koox hubaysani weerartay dhismahan ganacsiga Westagate, taas oo fadeexad ku noqotay dawlada Kenya kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in kooxdii weerarkaa fulisay oo mudo Afar  maalmood haystay goobta ay baxsadeen, waxaana weerarkaa sheegatay Kooxda Al-shabaab.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *