lampdusa1Lampedusa(Araweelo News Network)Boqolaal Muhaajiriin ah ayaa la raadinayaa maydadkooda, waxaana xeebta Jaziirada Lampedusa laga soo daad gureeyay maydadka in

 

ka badan 130 qof, iyadoo la badbaadiyay ku dhowaad 150 oo muhaajiriin dooni yar kaga talaabay badda Midirenianka oo gaadhayay 500 qof.
Badhasaabka jasiiradda Lampedusa ee dalka Talyaniga ayaa sheegay in ugu yaraan 60 qof meydkoodii la raadinayo, kuwaas oo aan raq iyo ruux la hayn weli , ka dib markii ay halligantay dooni ay saarnaayeen ilaa 500 oo qof oo ah tahriibayaal Afrikaan ah, kuwaas oo u badan Soomaali iyo Eretarian.
Dadka ku haligmay Badda ee Maydadkooda lagaga Ururinayo Xeebaha Dalka talyaaniga, ayaa  noqonaya tiro aad u badan iyadoo in ka badan boqol qof toddobaadkan gudhiisa oo qudha tahriibayaasha ku dhimatay baddaasi Midirenianka, kuwaasi oo ka haajiray Afrika, kuna talo jirey inay soo galaan dalalkani Yurubta Galbeed. Dadka halkaasi ku dhintay sida wararku ay sheegeen waxa ka mid ahaa Laba Dumar ah oo Xaamilooyin ahaa iyo ilaa sadex Caruur ah.

Ra’issalwasaaraha dalka Talyaanigu waxa uu ku tilmaamay shilkaa mid aad u xun oo argagax leh, welina waxa socda baadhitaankii meydadka dadkaasi badda ku halligmey.

Dooni yar oo dhawr mitir ah oo  ay la socdeen 500 qof oo tahriibayaasha ahi waxa uu degtay  ka dib markii uu dab qabsaday, iyada oo maraysa meel u dhaw xeebta Lampedusa, sida ay sheegeen dad goojoogayaal ah oo ka mid ah dadkii nolosha lagu soo badbaadiyey ee Doonodaa saarnaa.

Jasiiradda Lampedusa oo u dhaxaysa Talyaaniga iyo dalka Tunisia waxay ka mid tahay marinnada ugu waaweyn ee tahriibayaashu ay ka soo galaan qaaradda Yurubta Galbeed.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Talyaaniga Angelino Alfano, ayaa sheegay in Dooniyada qaraqantay kasoo kicitintay Xeebaha Libiya ee  Magaalada Misrata, waxaana uu sheegay in la rumaysan yahay in Matoorku damay. Kadibna biyo soo galeen. Sidaana ay ku qaraqantay.
Wixii kasoo kordha gurmadka dadka oo weli dawlada Talyaanigu ku mashquulsantahay kala soco shebekaddaha Arraweelo.com iyo Araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *