http://www.somaliland.org/images/b/2013/10/Golaha-wakiiladda.jpgHargeysa(Araweelo News Network) Mudanayaasha Golaha wakiilada Somaliland aya qaadhaan ugu deeqay dhismaha wadada isku xidha Ceergaabo iyo Burco

 

oo dhowaan Madaxweyne Siilaanyo dhagaxdhigay, isla markaana ku amray Hay’addaha dawlada  inay ka qayb qaataan dhismaha wdadadaa.

Fadhigii maanta ee Golaha Wakiiladda oo uu shir gudoominayay Guddoomiyaha golahaas Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), waxay  mudanayaashu cod gacan taag ah ku meel mariyeen xeerka Booliiska Somaliland, kaas oo hore doodiisa mudanayaashu usoo afjareen. Kadib muran soo noqnoqday oo ka taagnaa qodobo ka mid ah xeerkaa.

Fadhiga lagu ansixiyay xeerka Booliska waxa kasoo xaadiray  49 Xildhibaan, waxaana ansixinta xeerkaasi Booliiska xeer NO: 63/2013,  ogalaaday 35 Xildhiba, sedex mudane ayaa diiday, waxaana ka aamusay 10 Xildhibaan, gudoomiyuhuna ma codaynin, sidaana  waxa goluhu ku ansixiyay xeerka Booliska oo muddo horyaalay golaha.

Dhinaca kale Xildhibaanada Golaha Wakiiladdu waxa ay cod gacan taag ah u qaadeen mooshin ay golaha soo dhigeen xildhibaano doonayay in mudanayaashu qaadhaan ugu deeqaan dhismaha wadada Ceergaabo iyo Burco,  iyadoo ku ogolaadeen mudanayaasha wakiiladdu  in ay musharkooda boqol doolar uga jiraan dhismaha wadada ceerigaabo iyo Burco  ee dhismeheeda dhowaan Madaxweyne Siilaanyo dhagax dhigay 33 Xildhibaa ayaa ogolaaday soo jeedinta mooshinka , waxa diiday 7 mudane, waxaana ka aamusay sedex mudane gudoomiyuhuna muu codayn.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *