wadadkaa iyo Afar qof oo kale koox dablay ah oo aan la aqoonsan tacshiirad rasaas ah la beegsadeen gaadhi ay saarnaayeen.
Mid ka mid ah dadka Sheekha la saaraa gaadhiga ayaa kbadbaaday falkaa, waxaana la aasay isla maanta wadaadka iyo dadkii kale ee gaadhiga la saarnaa.
Sheekh Ibraahin Rooboow ayaa xiligga tacshiiradda rasaasta ah lala beegsaday ka tegey Masjid uu maxaadarooyin ka jeediyo oo sidan oo kale sanadkii hore wadaadkii Masjidkaa Maxaadarooyinka ka jeedin jiray loogu dilay shirqool, iyadoo lagu eedeeyo masjidkaa oo lagu magcaabo in laga taageero Ururka Al-shabaab.
Muslimiinta magaalada Mambasa ayaa maanta debedbax sameeyay, iyagoo ka cadhaysan dilkaa, waxaana isku dhac dhexmaray ciidamada Booliska, waxayna wararku sheegayaan in Ciidamada Boolisku xidheen ilaa toban qof. Kadib markii rabshadaha ka dhashay dilka Sheekhaa ay sababeen in dadka ka cadhooday dab qabadsiiyaan Kaniidsad.
Dalka Kenya waxa dhawr todobaad ka hor ka dhacay dhacdadii koox hubaysani weerartay dhismahan ganacsiga Westagate, taas oo fadeexad ku noqotay dawlada Kenya kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in kooxdii weerarkaa fulisay oo mudo Afar maalmood haystay goobta ay baxsadeen, waxaana weerarkaa sheegatay Kooxda Al-shabaab.