Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa diiday inay gebi ahaanba aqbalaan in laga hadlo oo ajandaha lagu soo daro qodobka ka hadalka madax banaanida Somaliland. Kadib markii gudiyada loo xilsaaray qodobada ajandaha kusoo dareen qodobkaa.
Wasiirka Arrimaha debedda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo ka hadlay kulankaa ayaa ka dalbaday dhinaca ergada Soomaaliya inay keenaan qodob sharci oo ay u cuskanayaan inay Somaliland ka sii mid ahaato Soomaaliya, wuxuuna ku dooday  in markii labada gobol ee Somaliland iyo Soomaaliya midoobayeen aanu jirin qaraar sharci oo la geeyey qaramada midoobay oo labadii dhinac ku heshiiyeen.

Mr. Biixi wuxuu usoo bandhigay ergada dhinaca Somalia in Bulshada Somaliland  1960 iyadoo aan  cidi qasbin ay midnimada qaateen, maantana iyagoo aan cidi qasab ku lahayn ay xornimadoodii la soo noqdeen,  sidaa awgeed wuxuu usoo  jeediyey ergada dawladda Federaalka Soomaaliya inay aqbalaan oo ay muujiyaan gobonimadii ay dadka reer Somaliland 1960-kii muujiyeen.

Hase yeeshee sida ay sheegayan wararka la xidhiidhaa wadahadalada labada dhinac Ergada Soomaaliya ayaa ku dooday in dalkii Somaliland ee 1960 ee midawga la gallay Soomaaliya aanay dadka deegaanku u dhamayn. Sidaa awgeed aanay maanta haboonayn in Soomaaliya ay kala tagto, iyagoo ku dooday go’itaanka Somaliland inuu horseedikaro in gobolada kalena go’aan.
Wadahadalka ayaa hakad galay, waxayna dhinaca Somaliland ku hanjabeen in ay ka baxayaan wadahadalka haddii aanay dhinaca ergada Somalia aqbalin ajandaha qaranimada iyo madaxbanaanida Somaliland, isla markaana ay beesha caalamka ee dabada ka riixiay wadahadalka u gudbinay dacwad ka dhan ah eregada Somalia, waxaana warbixin arrintaa ku saabsan loo gudbiyay dawlada Turkiga, balse lama ogga waxa ay kaga jawaabeen arrintaa.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *