Hargeysa(Araweelo News Network)Madaxweynaha jamahuuriyada Somalind Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo) ayaa safar ugu baxay dalalka faransiiska iyo Britain. Maaxweyne Siilaanyo ka hor intii aanu ka duulin saaka

Madaarka Caalamiga ah ee magaalada hargeysa, wuxuu xalay soo saaray magacaabis iyo xil ka qaadis ku waajahan Badhasaabada Salal iyo Togdheer.

Qoraalka xilka qaadista iyo magcaabista ayaa u qoraanaa sidan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu Digreeto Madaxweyne oo sumadeedu yahay JSL/M/XERM/249-2249/012014, ku magacaabay Gudoomiyeyaasha Gobolada Togdheer, Selel iyo Gudoomiye ku xigeenka gobolka Selel, sidoo kalena waxa uu xilalkii ka qaaday Gudoomiyihii hore ee gobolka Selel iyo ku xigeenkiisii, halka gudoomiyihii hore gobolka Togdheeri uu sheegay in uu isagu iska casilay  xilkii gudoomiyenimo, Madaxweynuhuna uu buuxiyey xilkaasi.

WUXUU GO’AANSADAY

1.      In Mudane, Maxamed Muuse Diiriye, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Togdheer ee Jamhuuriyadda Somaliland, kaas ooh ore u ahaa Agaasimihii hore ee Telefishanka Qaranka xiligii xukuumadda Daahir Rayaale.

2.      In Mudane, Cabdi-risaaq Waaberi Rooble, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Selel ee Jamhuuriyadda Somaliland, kaas oo ahaa Wasiirkii hore ee dhaqanka iyo Dalxiiska.

3.      In Mudane, Cabdil-qaadir Aadan Yuusuf, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Selel ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Mudaneyaal , waxaan idinka  mahadinayaa mudadii aad soo haysay xilka Guddoomiyaha Gobolka Selel  iyo gudoomiye ku xigeenka gobolka Selel. Xilalka Qaranka ayay dabcigooda tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.

Sidaas darteed, waxaan gartay in aan idinka qaado xilka Guddoomiyaha Gobolka Selel ee Jamhuuriyadda Somaliland (Mudane, Cabdilaahi Faarax Maydhane Guddoomiyihii Hore ee Gobolka Selel)  iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Selel (Mudane, Cali Allaale Riyaale Guddoomiye Ku-xigeenkii Hore ee Gobolka Selel)

Haddaba, waxaan idinka rajaynayaa in aad si niyad sami ah ugu wareejisaan xilalka aad hayseen Mudane, Cabdirisaaq Waaberi Rooble oo aan xilkaa isaga ah u magacaabay iyo Mudane, Cabdil-qaadir Aadan Yuusuf oo aan xilkaa isaga ah u magacaabay.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *