Silanyo1speechHargeysa(Araweelonews Network)Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo ayaa magcaabay gudi cusub oo wasiiro ah, taa oo uu sheegay in ay wax ka qabanay arrimaha dhaqanxumada.

 

Sidaana waxa lagu sheegay qoraal saxaafadeed maanta Jimcihii kasoo baxay madaxtooyada Somaliland. Kaas oo u qornaa sidan:- “ Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu magacaabay Guddida Ka Hor-tagga Dhaqan-xumada oo uu gudoomiye u yahay Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta.
Waxaanu Madaxweynuhu Magacaabistan Gudida ku yidhi Mudanayaal,
Waa xilka Xukuumadda in laga hortaggo cid-kasta oo anshax-xumo ku abuuraysa Bulshadda Somaliland dhexdeeda, isla markaana waxaa lagama-maarmaan ah in Xukuumaddu ka hor-tagto dhaqan-xumadaas.
Haddaba, aniga oo ka duulaya qodobka 5aad ee Dastuurka Qaranka iyo warbixinta Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta iyo Hay’adaha Aminiga ee Qaranka, waxaan idiin magacaabay Guddida Ka-hor-tagga Anshax-xumada.
Sidaas darteed mudanayaal, waxa aan idin farayaa in aad wax-ka qabataan dhaqan-xumadaas oo Qaranka laf-jab ku ah, idinka oo waafajinaya shuruucda dalka.

XUBNAHA GUDIDU KA KOOBAN TAHAY
1.     Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Guddoomiye        

2.     Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha  Xubin  

3.     Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada   Xubin

4.     Wasiirka Wasaaradda Dhalinyaradda, Ciyaaraha iyo Dalxiiska     Xubin

5.     Taliyaha Ciidanka Booliiska  Xubin

6.     Taliyaha  Sirdoonka Qaranka  Xubin

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *