http://arraweelo.com/wp-content/uploads/2014/01/araweelonews.jpgIstanbul(Araweelo News)Wufuud ka kala socota Somaliland iyo Somalia ayaa maanta kulankoodii u horeeyay ee wejigii shanaad ee wada-hadalada u dhexeeyay labada dhinac ee Somaliland iyo

 

Somaliya ku yeeshay dalka Turkiga.

Wada-hadalada oo marar badan dib u dhac ku yimi ayaa la filayaa in ay socdaan muddo laba maalmood ah, waxaana kulanka laba dhinac ee maanta oo furitaan ahaa lagu sameeyay Guddi isku dhaf ah loo saaray inay soo diyaariyaan ajandaha lagu falanqeyn doono wejiga shanaad ee wada-hadalka soo jiitamayay ee ay badhitaarayaan hormoodka dalalka hogaamiya beesha caalamka.

Wejigan shanaad ee wada-hadalada Somaliland iyo Somalia waxa dhinaca Ergadda Somaliland hoggaaminaya Wasiirka Arrimaha debadda Maxamed Biixi Yoonis oo aan qayb ka ahayn wejiyadii hore ee wada-hadalka, waxaana xubno ka ah Afar Wasiir iyo saddex xubnood oo ka socda Baarlamaanka Somaliland, kuwaas oo qaarkood aanay sidoo kale goob joog ka ahayn wejiyadii hore ee wada-hadalada labada dhinac.

Kulanka shanaad ee wada-hadalada ayaa kusoo beegmay iyadoo aanay dawlada uu higaamiyo Xasan Sheekh ee Soomliya soo dhsin Xukuumadda dhismeheeda laga sugayo raysal wasaaraha cusub, waxaana weftiga dhinaca Soomaaliya ee ka qaygalay wada-hadaladaa hoggaaminaya ku-simaha Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya  Cabdikariin Xuseen Guuleed oo hore uga qaybgalay wejiyadii hore ee ay ku kulmeen labada dhinac, isla markaana  waxa xubno ka ah ergada Somalia xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, kuwaas oo aan qayb ka ahayn wejiyadii hore ee labada dhinac ku kulmeen.

Xildhibaan Cabdisamad Macallin Maxamuud oo ka mid ah weftiga dawladda Soomaaliya uga qaybgalaya wadahadalka, ayaa saxaafadda ugu sheegay shalay ka jor intii aanay ka boqoolin Muqdisho in wadahadalku furmi doonaan maalinta Khamiista, isla markaana marka hore la dejin doono ajandaha labada dalka ka doodi doonaan, isagoo xildhibaanku tilmaamay inuu rajaynayo in natiijo fiican ka dhalato wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya.

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Debedda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo hoggaaminaya weftiga Somaliland uga qaybgalaya wadahadalka, ayaa sheegay inay wadahadalka ka rajaynayaan in ay guul kala soo laabtaan, wuxuuna xusay in natiijada ay filayaan ee dhinaca wada-hadalka ay tahay mid  wanaagsan oo qaranka iyo shacbiga Somaliland farxad gein doonta, wuxuuna Bulshada Somaliland ugu baaqay inay u rajeeyeen guul oo ay taageero la bar-bar istaagaan.

sidaa awgeed  bulshada Somaliland meel ay joogaanba muujiyaan dedaal iyo niyad-sami dheeri ah, Somaliland-na heli doonto waxa ay beesha caalamka ka raadinaysay oo natiijadu noqondoonto mid farxad gelisa.
Wada-hadalada labada dhinac ee ka furmay  Dawladda Turkiga, waxa dabada ka riixiya dalalka reer galbeedka, gaar ahaan Britain, Maraykanka, Denmarka iyo dalal kale, kuwaas oo danaynaya in natiijo laga gaadho wadahadaladaa oo la filayo in ay galaan marxaladii ugu adkayd marka loo eego qodobada iyo ajandayaasha laga soo gudbay ee wejiyadii hore.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *