Hargeysa(Araweelo News Network)Madaxweyne Siilaanyo ayaa magcaabay saacadihii lasoo dhaafay gudi ka kooban sagaal xubnood oo shan k a mid ah ay yihiin wasiiro, sadex xildhibaan oo ka tirsan golaha

wakiilada Somaliland iyo xubin gudoomiye ka ah Hay’ad dawli ah.

Magcaabista gudidaa oo aan si rasmi ah loo shaacin, waxa ay wararka la xidhiidhaa sheegayaan in ujeedada Madaxweynuhu u magcaabay tahay sidii ay xal ugu heli lahayeen khilaafka soo jiitamay iyo ismaandhaafka ka taagan qabashada shirweynaha xisbiga Kulmiye oo dhawr jeer dib loo riixay mudadii loo qorsheeyay in la qabto. Kadib markii lagu heshiin waayay.

Sida ay sheegeen wararka laga helay dhinaca qasriga Madaxtooyada ee la xidhiidha gudida Madaxweyne Siilaanyo magcaabay waxa gudoomiye u ah Wasiirka Arrimaha Debedda Maxamed Biixi Yoonis, Wasiirka Gaashaandhigga  Axmed Xaaji Cali Cadami oo ah guddoomiye-ku-xigeen iyo xildhibaan Cali Xasan Maxamed (Marreexaan) oo xoghaye looga dhigay gudidaa oo ay xubno ka yihiin Wasiirka Waxbarashada Marwo Samsam Cabdi Aadan, Wasiirka Duulista Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed,  xildhibaan Maxamuud Axmed Obsiiye, xildhibaan Abubakar Good iyo Guddoomiyaha Hay’adda Abaabul-ka-saarka Qaranka (NDC) Md. Jamaal Caydiid oo xubin ka ah.

Hase yeeshee magcaabista gudadaa wax aka cadhoooday Higaanka xisbiga Kulmiye, Gudoomiyaha xisbiga Muuse Biixi iyo Gudoomiye xigeenka Maxamed Kaahin ayaa qorsheeyay in ay jawaab ka bixiyaan magcaabista gudida ee Madaxweynaha, balse kulan ay doonayeen labada Kornayl in ay warbaahinta  kaga sheegaan mawqifkooda ku waajahan gudidaa ayaa la hakiyay. Kadib markii fariin dhinaca Madaxtooyada ah loo keenay, isla markana lagu wargeliyay in ay la kulamaan Madaxweyne Siilaanyo, si looga wadahadlo waxa ay saluugeen, waxayna ganafka ku dhifteen dalabka dhinaca qasriga Madaxtooyada, iyagoo ku war geliyay Dublamaasiga fariinta u keenay in ay gaarkooda usoo tashanayaan, balse aanay waqtigan diyaar u ahayn in ay la kulmaan Madaxweyne Siilaanyo.

Tan iyo dhamaadkii sanadkii tegey ee kal hore waxa soo jiitamayay khilaafka xisbiga Kulmiye oo ah xisbul xaakimka xukunka haya ee mudada dheer mucaaradka ahaa , waxaana muranka iyo khilaafka ugu weyni ka taaganyahay waqtigan qabashada shirweynaha xisbiga oo marar badan dib u dhac ku yimi, iyadoo mar walba oo  la damiyo khilaafka uu dib usoo hurayo, taas oo loo aanaynayo loolan iyo damac siyaasadeed oo ka dhexjira xisbiga, kaas oo xudun u ah khilaafka marba dib usoo cusboonaanaya ee sii fogaynaya suurtagalnimada inuu qabsoomo shirweynihii xisbiga, wuxuuna khilaafku abuuray wer-wer iyo caaloolyoow soo waajahay taageerayaasha xisbiga mudada dheer garab taagnaa, kuwaas oo ka cabsiqaba in xisbiga Kulmiye maro wadadii uu maray xisbul xaakimkii uu talada kala wareegay ee ka da’a weynaa oo mudo sideed sanadood ka badan xukunka hayay, balse markii lagaga guulaystay doorashadii 2010 ka baxay saaxada siyaasada sidaana ku siqiiray.
info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *