Hargeysa (ANN)Hoggaanka xisbiga talada dalka haya ee KULMIYE, ayaa ka hadlay mowqifkiisa la xidhiidha hannaanka xukuumaddu u waddo siyaasadda arrimaha dibedda Somaliland iyo aragtida ay xisbi ahaan ka qabaan dhaliilaha muddooyinkii u dambeeyey mucaaridku u jeedinayeen

 

siyaasadda khaarajiga ee xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo dalka ku hoggaamiso.

Guddoomiye-ku-xigeenka 2aad ee xisbiga KULMIYE, ahna mudane ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland Md. Maxamed Xaaji Yuusuf Waabeeye oo Jamhuuriya siiyey waraysi khaas ah, waxa uu caddeeyey inay xisbi ahaan si fiican ugu qanacsan yihiin dariiqa cusub ee loo jeexay siyaasadda arrimaha dibedda, isagoo xusay in markii u horreysay qaddiyadda Somaliland iyo Soomaaliya ka dhexaysa laga dhigay mid heer caalami ah.

Waraysigan oo qayb ka mid ah ku soo baxay cadadkii Jamhuuriya ee shalay, waxa uu Guddoomiye-ku-xigeenka 2aad ee KULMIYE oo qaybtan oo ah tii labaad ee waraysigaas kaga jawaabay su’aalo aad u kulul oo ku saabsan dhaliilaha mucaaradku u xambaariyaan xukuumadda xisbigooda ka dhalatay dalka ku maamuso.

Md. Waabeeye waxa uu qaybta labaad waraysigan oo aad u dheeraa kaga hadlay qodobbo kala duwan oo la xidhiidha aragtida xisbigiisa ee ku saabsan siyaasadda arrimaha dibedda Somaliland, dhibaatooyinka ka dhashay natiijada doorashii degaanka, xidhiidhka ka dhexeeya XAQSOOR iyo KULMIYE, saamaynta beeluhu ku leeyihiin golayaasha cusub ee degmooyinka dalka iyo arrimo kale oo xiiso badan, waxaannu u dhacay sidan:

Jamhuuriya: Waxa jira dhaliilo kala duwan oo xukuumadda loo jeediyo, waxana lagu eedeeyaa in aan la fulin ballanqaadyadii KULMIYE ololaha ku galay, dhibaatooyinka shaqo la’aanta iyo tahriibkuna way sii badanayaan. Dhaliilahaas sideed xisbi ahaan u aragtaan, wax saamayn ahse ma idinku yeelanayaan doorashooyinka soo socda?


Guddoomiye Waabeeye: Run
ahaantii dhaliishu waa wax aynu u taaganahay oo hannaanka aynu dooranay ayaa inoo saamaxaya inaynu is dhaliilno oo dhaliishuna noqoto mid wax dhisaysa oo aan wax duminayn. Waan arkaa dhaliil badan oo mucaaridku soo jeediyo xaq iyo xaq-darro midkay doonto ha ahaatee. Xisbiga KULMIYE iyo xukuumadduba waxay xaq u leeyihiin inay adkaysigeeda la yimaaddeen marka dhaliilo loo jeedo, KULMIYE iyo xukuumaddiisuna wax aad u badan bay dalka ka qabteen, ballanqaadyadii xilligii ololahana waa la fuliyey, mucaaridkana lama qabo in KULMIYE ballanqaadyadiisii aannu fulin. Ballanqaadyadii la fuliyey waxa ka mid ah in ururrada siyaasadda la furo. Waxqabadka KULMIYE waxa kaloo ka mid ah in miisaaniyaddii iyo dhaqaalihii dalka la kordhiyey oo sare loo qaaday. Waxa kale oo waxqabadka ka mid ahaa inuu aasaasay hay’ado kala duwan oo ka shaqeeya horumarka iyo shaqaalaysiinta dadka, mushaharooyinkii shaqalaaha iyo ciidammada oo la kordhiyey, giimbaartii Burco oo la beddelay, garsoorkii dalka oo isku shaandhayn lagu sameeyey, lana magacaabay Garyaqaanka Guud ee Qaranka.

Sidoo kale, waxa xoogga la saaray dhinacyada waxbarashada iyo caafimaadka. Waxa lagu maahmaahaa Rooma maalin laguma dhisin, markaa way jiraan waxyaabo yaryar oo aan la fulin, intaas dhimana insha Allaah muddada KULMIYE talada dalka hayo ayaa wax laga qaban doonaa.

Jamhuuriya: Waxaad tahay xildhibaan laga soo doortay degaannada gobollada bari, hoggaanka KULMIYE-na ka mid baad tahay, waxa jira in degaannada bari ee Somaliland ay dhinaca horumarka iyo waxqabadka ka hooseeyaa dalka intiisa kale, maxaa sababay arrintaas?

Guddoomiye Waabeeye: Horta degaannada bari way ka ballaadhan yihiin dalka intiisa kale oo Gobolka Sanaag oo kale waa gobolka dalka ugu weyn oo wuxuu ka ballaadhan yahay dhawr gobol oo la isku daray. Waxaan aaminsanahay wax badan oo gobollada dalku kala dambeeyaan ama kala horreeyaan ma jiro, marka laga yimaad degaanno bariga ah oo dagaallo ka socdaan sida Gobolka Sool iyo Buuhoodle, waana laga yaabaa goobaha dagaallo ka dhacaan inay dalka intiisa kale ka yara hooseeyaan, laakiin magaalada Laascaanood hadda aad bay u fiican tahay, xukuumadduna wax badan bay ka qabatay oo arrimaha horumarka khuseeya.

Jamhuuriya: Goleyaasha degaanka ee soo baxay waxaad mooddaa in taladoodii xisbiyada beeluhu uga fara dhuudhuuban yihiin oo xildhibaan kastoo soo baxay ay taladiisa beel gacanta ku hayso. Arrimahaas maxaa sababay, maxayse dhibaatooyin keeni karaan?

Guddoomiye Waabeeye:
Innaga waad ogtahay oo wax badan baa innagu cusub oo nidaamadayad aynu qaadannay iyo dhaqankeennii siday isu galaan ee u sameeyaan is-dhexgal waqti dheer bay innagu qaadatay run ahaantii, laakiin xagga fiican markaad ka eegto waxa jira xildhibaannada degaanno laga soo doorto, markaas beelahan magaca uun baa  kala duwan ee waxa loo arkaa inay yihiin dadkii soo doortay, markaas xildhibaan kasta oo adduunka ah meesha laga soo doortaa saamayn bay ku leedahay,  innana taasuun baynu nidhi waa qabyaalad oo waxaynu nahay dad dhaqankoodu ku salaysnaa qabiil, tii aynu arrimaha hoose ku dhammaysan jirnay baana wali sii shaqaysa, hase ahaatee haddii aan xumaanta loo adeegsanayn wax dhibaato ah oo badan kuma jiraan. Xildhibaankaas beesha metelaya hadhawna xagga xisbiga ayuun buu u soo ciiraa, hadday ku biiristiisa iyo metelistiisaba tahay.

Jamhuuriya: Waxa jira dhaliilo badan oo loo jeediyo siyaasadda arrimaha dibadda xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo la leeyahay dabacsanaan iyo qabyooyin badan baa ka muuqda, markaa idinku xisbi ahaan sideed u aragtaan siyaasadda khaarajiga iyo wadahalkada Somaliland iyo Soomaaliya dhexmaraya?


Guddoomiye Waabeeye:
Anigu waxaan qabaa in siyaasadda arrimaha dibadda Somaliland waqtigan aad iyo aad u fiican tahay, sababtoo ah waxyaabaha inoo soo kordhay ee la qiimayn karo waxa ka mid ah in dawladdii la odhan jiray Soomaaliya arrinkii innaga dhaxeeyey la caalamiyeeyey oo markii hore may jirin xataa urur-goboleed sida IGAD oo kale ah oo galay arrinka Soomaaliya iyo Somaliland amma ka fikiray sidii wax loo kala odhan lahaa, laakiin imminka waxa timi in arrinteenna si caalami ah loo galo oo waad ogayd shirkii London ka dhacay, kii dalka Imaaraadka ka dhacay ee madaxweynayaasha Somaliland iyo Soomaaliya la ishorfadhiisiiyey, imminkana wejigii labaad ee wadahadalkaasi uu dhici doono, umana malaynayo in tallaabadaas siyaasadeed hore u dhacday oo dunidu heerkaas ay ka gaadhay.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa arrintas inoo qaabilsan, waana laga yaabaa inay iyadu barnaamij cad u samaysato safiirrada iyo waddamada aqoonsigeenna dheeraadka ah ku degdegaya ee hawsha fiican haya. Dalka Koonfur Afrika oo kale dawladdii hore wax la taaban karo oo ay ka gaadhay ma jirto. Xafiisyo way innooga furnaayeen, imminkana waa loo magacaabayaa oo way jiraan wakiil cusub, laakiin wax dheeraad ah oo kale ma jiraan.

Dhaliilaha loo jeediyo siyaasadda arrimaha dibedda waxaan u arkaa niman arki jiray wixii hore inay maantana leeyihiin waxba ma jiraan, balse haddii wixii hore ee jiri jiray meel ka wanaagsan ay maanta marayaan, ma aha in wixii hore dib loogu noqdo oo la yidhaa halkaasaynnu safiir ku lahaan jirnay. Waddamo badan baa adduunyada safiir qudha dhigta dalal badan, waxana laga yaabaa dalalka Uganda, Kenya, Tanzania inuu hal safiir oo keliya ka dhaxeeyo.

Jamhuuriya: Doorashadii golayaasha degaanka dhibaatooyin badan  baa ka dhacay oo Saylac iyo Hargeysa dad badan baa ku dhintay, qaarna way ku dhaawacmeen, maadaama aad tihiin xisbul-xaakimkii talada hayey; xukuumadda qancin kari wayday degmada Axmed-dhegax oo 70 tallaabo u jirta madaxtooyada, sidee bay u xallin kartaa mashaakilaadka ka taagan dalka intiisa kale?

Guddoomiye Waabeeye:
Qancintu waqti looma qabto, xukuumadduna way ku hawlan tahay sidii ay u daawayn lahayn rabshadihii ka dhacay markaynu doorashada dhammaynay, xukuumadduna kamay masuul ahayn ee doorashooyinku dhibaatooyinkooda iyo hawlahooda way iska leeyihiin, adduunka oo dhanna saamayn bay ku leeyihiin, meel walbana way cabanaysaa oo waad ogaydeen wixii ka dhacay dalalka Ghana iyo Kenya, adduunkoo dhanna doorashooyinku ruxan iyo xayiraad bay geliyaan.

Innaga dhibaato aan badnayn baa ka dhacday. Dad badan baa ka cawday natiijooyinkii doorashada, daawayntoodiina xukuumaddu way u diyaargarowday, waanay waddaa, waanay ku dhex jirtaa, mana aha way qancin kari wayday, laakiin waqti may qabsan oo may odhan xilligaas ayaannu ku xallinaynaa, wadahadalladiins way socdaan. Dad badan baa aqbalay natiijadii oo ururradii hadhay ah, qaar weli diiddani way jiraan, kuwaasna waan ogahay oo sidii hawshooda loo geli lahaa weli way socotaa, guddiyo ayaana u xilsaaran, xilligii ay soo afjarmaysay uun baanse la gaadhin, xukuumadduna umay hawl yaraysan ee dedaalkeeda way waddaa.

Jamhuuriya: Khilaafka Saylac baa u adkaa oo arrintu kursiga Maayirka dhinac ba way u dhaafi wayday, waxaana soo baxaya wasiirro tegay dalka Jabuuti si ay xiisaddaas xal ugu helaan, arrintaas bal ka warran?


Guddoomiye Waabeeye
: Saylac waxa dega dad walaalo ah oo marka nidaamka dimoqraadiyadda laga hadlayo waa arrimo aynaan u bislaan. Natiijadii doorashada ka soo baxday beeshii ku guulaysatay ee badsatay ayuun bay beeshii kalena ku qanci wayday, maadaama ay in door ah xukunkeeda lahaayeen, doorashana waxa loo galaa inaad natiijada aqbasho. Arrintaasi xasaasiyad xooggan bay keentay, xukuumadduna iyadoo waajibaadkeeda xallinta khilafaadkaa gudanaysa ayey wefti u diray oo Wasiirka Arrimaha Gudaha tegay, laba wasiir oo kalena way ka daba tegeen. Arrintaas nidaamkeeda iyo hawsheeda waa la wadaa, waana la xallinayaa, khilaafka Saylac ka taaganna waxa loogu talogalay meel kasta oo ay gasho in lagu xalliyo, taasna si fiican baa loo wadaa.

Jamhuuriya: Ururka cabashada ugu badan ka taagan tahay waa XAQSOOR, degaannada uu taageerayaasha ugu badan ku leeyahay ee degmada Axmed Dhegax ilaa Balligubadle waa halkii xisbigiina KULMIYE hore codadka ugu badan ka helay, marka xukuumadda laga yimaad xisbi ahaan wax waan-waan ah oo aad masuuliyiinta XAQSOOR arrintaas kala gasheen ma jirtaa?

Guddoomiye Waabeeye: Waannu kala samaynay run ahaantii, mana doonayo inaan magacaabo oo aan idhaa hebel iyo suldaan hebel buu ahaa, laakiin xisbiga KULMIYE wuu qaatay doorkii uu ku lahaa dejinta taageerayaasha XAQSOOR, taageerayaashaasina waxay ahaayeen taageerayaal in badan ahaa xisbiga KULMIYE, waanan u mahadnaqayaa. Wixii dhacay waa qadar Ilaahay, taageerayaashii ugu muhiimsanaana way ahaayeen, laakiin xisbiga KULMIYE doorkiisii wuu qaatay, imminkana waxaannu leenahay walaalayaal wixii dhacay way dhaceene nasiibka iyo calafku kolley saddex xisbi uun baa soo bixi lahaaye, haddii saddex kale loo calfay aynu natiijada aqbalno, guushana laguma waaro, guuldarradana laguma waaro. Dhammaad…
xigasho Jamhuuriya .

Normal 0 false false false EN-US X-NONE X-NONE MicrosoftInternetExplorer4

/* Style Definitions */ table.MsoNormalTable {mso-style-name:”Table Normal”; mso-tstyle-rowband-size:0; mso-tstyle-colband-size:0; mso-style-noshow:yes; mso-style-priority:99; mso-style-qformat:yes; mso-style-parent:””; mso-padding-alt:0in 5.4pt 0in 5.4pt; mso-para-margin-top:0in; mso-para-margin-right:0in; mso-para-margin-bottom:10.0pt; mso-para-margin-left:0in; line-height:115%; mso-pagination:widow-orphan; font-size:11.0pt; font-family:”Calibri”,”sans-serif”; mso-ascii-font-family:Calibri; mso-ascii-theme-font:minor-latin; mso-hansi-font-family:Calibri; mso-hansi-theme-font:minor-latin; mso-bidi-font-family:”Times New Roman”; mso-bidi-theme-font:minor-bidi;}

Araweelonews Mobile

Somaliland Office

E-mail; Info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *