Boorama(ANN)Taliyaha Ciidanka Asluubta Somaliland Maxamed Xuseen Faarax (Xiirane) ayaa kormeer ku tegey maanta  xabsiga Dhexe ee xarunta Gobolka Awdal ee Boorama, isagoo kulamo la yeeshay saraakiisha maamusha xabsiga iyo qaybaha kala duwan ee xabsiga

oo lagu kordhiyay farsamada gacanta ee loogu faa’ideeyo dadka maxaabiista ah.
Taliye Xiirane mudadii uu ku jiray kormeerka xabsiga Boorama, waxay saraakisha maamusha xabsigu tuseen sida ay maxaabiista ku xidhan jeelka Boorama  uga faa’iidaysteen xirfado farsamada gacanta ah oo la baray, isla markaana ay ugu suurta gashay inay sameeyeen qalab isgu jira Sariiro, Kuraas iyo agabka xafiisyada ee kala duwan.

Dhinaca kale Taliyaha xabsiga Gobolka Awdal Siciid Xuseen Caynaan oo warbixin siinayay Taliyaha Asluubta Somaliland ayaa sheegay inay talaabada ay qaadeen tahay mid  muhiim ah oo u qabsoontay xabsiga  iyo maxaabiista ku xidhan, isagoo yidhi,  “Talaabadani waa mid  guul ah, waxaan barnay maxaabiista xirfado anfacaya naftooda oo wax ka taraya noloshooda, waxaana sidaa u yeelnay inaan dhaqan celin uga dhigno oo ay ku laabtaan bulshadda iyaga oo dhaqankooda wax iska bedaleen,, tanina waa mid guul u ah madaxda xabsiga iyo maxaabiista labadaba.” ayuu yidhi.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Somaliland Maxamed Xuseen Faarax (Xiirane) oo warbixintaa ka dib hadlay  ayaa ku bogaadiyay hawlaha u qabsoomay ciidanka iyo maxaabiista, balse wuxuu xusay in xabsigu u baahan yahay in dib u dhis lagu sameeyo, taasna ay ka hawlgelayaan.
Sidoo kale wuxuu balanqaaday inay qalab cusub kusoo kordhinayaan xabsiga, isla markaana xabsiyada dalka oo dhan la geyn doono qalab, isagoo yidhi, “Waxaan balan qaadayaa in todobaadka soo socda aan u keeno jeelka warshad jaajuurka samaysa si maxaabiista xirfado cusub loo baro, talaabadan ayaana ah mid aan rabno inay ka hirgasho jeelasha dalka oo dhan waanan ku kalsoon nahay inay wax badan ka bedeli doonto, fikirka iyo dhaqanka maxaabiista bulshadana ay ku laaban doonaan iyaga oo ka duwan sidii ay ahaayeen markii la soo xidhay.” ayuu yidhi Taliye Xiirane.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *