Waxay ahayd tijaabo indhaha beesha caalamka soo jiidatay oo qaarkood ula muuqatay riyo iyo dhalanteed in wadan yar oo aan la aqoonsayan, isla markaana xidida uu ku taaganyahay maamulkiisu yahay nidaam beeleed aanay dunidu fahamsanayn uu

tijaabada noocaa ah samayn karo, ama ay suurtagal ka noqon karto, iyadoo aanay jirin awoodaha iyo inkaaniyaadka qaran aduunka laga aqoonsanyahay.

Dhinaca kalena mucaaradka uu xiliggaa hogaaminayay Madaxweyne Siilaanyo, waxay dadka u muujinayeen bushaarooyin guulo waaweyn iyo horumar sawiraya, kuwaas oo ay ku baaqayeen haddii ay dadku codka siiyaan doorashada madaxtooyada inay wax badan ka qabanayaan shqo abuurista, horumarinta dhinaca dhaqaalaha, aqoonsi raadinta Somaliland iyo dhamaan adeegyada bulshada.

Sidoo kale waxay ku baaqayeen balanqaadyo iyo dhiirigelin ay ku sheegayaan inay doorashadu tahay mid wax badan ka bedelaysa guud ahaan duruufaha dalku ku jiro iyo xidhiidhka ay Somaliland la leedahay beesha caalamka.

Shaqo la’aanta ayaa ahayd sababta ugu weyn ee xudunta u ahayd Tahriibta oo xiliggaa bilaw ahayd, balse boqolaal dhalinayaro ah ayaa dib u dhigay safaradooda ku waajahnaa tahriibta, iyagoo u riyaaqay dhawaaqyada mucaaradka iyo balanqaadka caadifada badnaa ee xiliggaa. …..La soco

By, Carraale M. Jama
Freelance Journalist and Human Rights activist jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *