Hargeysa(Araweelo News Network) Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA , ayaa canbaareeyay  talaabada ay xukuumadda Somaliland ku xayirtay Wargeyska Hubaal oo si maamlinle ah uga soo bixi jiray Hargeysa.

 

Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA  Xasan Maxamed Yuusuf oo saxaafadda la hadlay maanta ayaa ku tilmaamay talaabada xukuumaddu ku xayirtay Wargeyska Hubaal mid ay jawaabteeda ka sugayaan Hay”addaha garsoorka ee gacanta ku haya oo aanay ka filayn cadaaladdaro.

 

Gudoomiyaha SOLJA, wuxuu sheegay in xukuumadda looga fadhiyay  inay cadayso oo sharciga hor keento weerarkii lagu qaaday xarunta wargeyska Hubaal,  wuxuuna Hay’addaha garsoorka ugu baaqay inay soo dedejiyaan Kiiska Wargeyska Hubaal, isagoo sheegay inay xukuumadda kala hadleen Xayiraada Wargeyska. Laakiin ay xukuumaddu ku adkaysatay inay arrintaa sharciga ku kala calaf qaadayaan oo ay Hay’addaha sharciga u deynayaan.

 

Xasan Maxamed Yuusuf, wuxuu sheegay in ay Garsoorka ka sugayaan jawaab sharci ah, maadama ay kiiska xyiraada wargeyska iyo weerarkii lagu sameeyay xarunta wargeyskaba iyagu gacanta ku hayaan.

Dhinaca kale  xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo mudadii ay xilka haysay tacadiyadii ugu badnaa ee dhinaca saxaafada iyo xadhiga suxufiyiinta, taas oo meesha ka saaray nidaamka dumuqraadiyada iyo xoriyada saxaafada madaxa banana ee Somaliland soo gaadhsiisay halkaa.

Waxayna Canbaaraynta Ururka SOLJA soo baxday Afar maalmood kadib xayiraada la saaray wargeyska Hubaal, waxaana la filayay  inay jawaab deg deg ah ka bixiyaan dhacdada foosha xun ee xukuumaddu kula kacday wargeyska Hubaal, balse lama ogga sababta SOLJA ugu baraarugtay Afar maalmood ka dib xariyaarada xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo saartay wargeyska Hubaal.

Dhinaca kale Axsaabta siyaasada Somaliland iyo Hay’addaha caalmiga ah ee u dhaqdhaqaaqa xoriyada saxaafada iyo xuquuqda Aadamaha ayaa canbaareeyay talaabada xukuumadda Somaliland ku xayirtay wargeyska Hubaal, kaas oo tan iyo Salaasadii todobaadkan 11 Jun 2013 markii xukuumaddu u adeegsatay awood ciidan iyo xayiraad aan soo bixin.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *