Madaxweyne Siilaanyo Wareegto Kasoo Saaray Dhulka Danta Guud Ee Duleedka Haamaha BerberaHargeysa(Araweelo News Network)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa wareegto uu soo saaray  xalay waxa uu  ku sheegay in uu ammar ka soo saaray dhulka danta guud ee Magaaladda Berbera ee xarunta gobolka Saaxil.

 

Madaxweynuhu waxa uu wareegtadiisa ku sheegay inay dawladu u aqoonsatay (Free Zone) goobo ku yaala magaalo xeebeeda Berbera, waxaanu ammar ku bixiyay in tallaabo laga qaado cidii bixisa dhulka danta guud ah .

Sidaana waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka Madaxtooyadda Mudane Axmed Saleebaan Dhuxul, kaas oo u dhignaa sidan:-

 

“Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa wareegto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/WM/222-1792/062013 ka soo saaray Dhulka Danta Guud ee Magaalada Berbera. Isaga oo ku socodsiiyey Madaxweynuhu Masuuliyiintan:-

 

Ku: Guddoomiyaha Gobolka Saaxil Berbera

Ku: Duqa Magaalada Berbera Berbera

Ku: Maareeyaha Dekedda Berbera Berbera

Og: Taliyayaasha Ciidammada JSL.

 

MADAXWEYNUHU:- Markuu Arkay: Qodobka 12aad iyo 94aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Markuu Arkay: Qodobka 1aad ee Xeerka Maamulka Dhulka Xeer Lambar 17/2001;

 

Markuu Arkay: Qoraalka summadiisu tahay ee ku taariikhaysan WDSL/MD-M//fX/15-210/0113 ee ku taariikhaysan Jan. 26, 2013, ee ka soo baxay Xafiiska Maareeyaha Dekedda Berbera;

 

Markuu Arkay: Qoraalka summadiisu tahay XIG/JSL/128/2010 ee ku taariikhaysan 29/4/2010, ee ka soo baxay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud;

 

Markuu Arkay: Amarka xayiraadda ee Maxkamadda Gobolka Saaxil ee summadiisu tahay MGS/BR/37/2010 ee ku taarikhaysan 02/05/2010;

 

Markuu Arkay: Amarka fulinta ee Maxkamadda Gobolka Saaxil ee summadiisu tahay MGS/BR/37/2010 ee ku taariikhaysan 05/05/2010;

 

Mudanayaal, Dhulku waxa uu ka mid yahay hantida guud ee Dalka, sida ku xusan Qodobka 12aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Xukuumadda ayaa awood u leh inay yeelato, gacanta ku hayso, kirayso, iibiso, ku-bedelato qiimo u dhigma ama ku samayso tasaruf kasta oo sharciga waafaqsan.

 

Haddaba, Xukuumaddu waxay ku hawlan-tahay qorshaynta iyo horumarinta dalka, si loo helo dhul baaxad leh oo mustaqbalka dhaw looga faa’iidaysan karo sida ugu habboon ee dalka manaafacaad iyo waxtar u leh; laga bilaabo taariikhda maanta Xukuumaddu waxay u aqoonsatay (Free Zone) Dhulka Raasiga Berbera, wadada Dekeda ka baxda ee hor-marta Shida-yare Hotel ee u baxda Hargeysa illaa 15 Kilometer oo ah dhinaca Koonfureed, Galbeedna ka bilaabanta Dekedda raaca xeebta ilaa 20 Kilometer.

 

Sidaas darteed, dhulkan oo xukuumadihii horena ka soo saareen wareegtooyin lagu mamnuucayo, balse aan marnaba la-tixgelin, waxa aan farayaa mas’uuliyiinta ay wareegtadan iyo wareegtooyinkii horeba khusayaan inay tallaabo sharci ah ka qaadaan cid kasta oo ka hor-timaadda, isku-dayda inay iibiso, iibsato, bixiso, sifo kale ula wareegto ama ku wareejiso dhulkaas.

 

Sidoo kale, Taliyayaasha Ciidammada waxaan farayaa inay gacan buuxda ka siiyaan Maamulka Gobolka Saaxil wixii arrintan khuseeya.” Ayaa lagu yidhi qoraalka kasoo baxay Madaxtooyadda.

Dhinaca kale dhulkaa lagu tilmaamay digreetada Madaxweynaha ayaa xiligii kala guurka xukuumaddii Daahir Rayaale iyo Madaxweyne Siilaanyo, waxa lag yagleeyay Maxjarka weyn ee Ganacsade Al-jaabiri, kaas oo xukuumaddii Daahir Rayaale Digreeto kasoo baxay Madaxtooyadda ku joojisay, isla markaana ku mamnuucday in dhulkaa laga bineeyo dhismayaal, balse Maxjarkaa iyo dhismayaal kale ayaa laga bineeyay dhulkaa, iyadoo aanay jirin digreeto lagu fasaxay oo burisay deigreetadii Madaxweyne Rayaale xiligaa kasoo saaray. Waxaana xadhiga ka jaray  Maxjarkaa markii uu dhamaaday Madaxweyne Xigeenka Somaliland C/raxmaan Ismaaciil Saylici  Oct, 20111.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *