Rohani2Tahran(Araweelo News Network) Dalka Iran waxaa laga soo dhaweeyay guusha lama filaanka ah ee uu gaadhay Xasan Ruuxaani, kaas oo loo doortay in uu noqdo Madaxwaynaha cusub ee dalka Iran. Kadib doorashadii ka dhacday dalkaa.

 

Wasiirka arrimaha gudaha dalka Iiran Mostafa Mohammad Najjar, ayaa shaaca ka qaaday in doorashadii ka dhacday dalka Iran uu ku guulaystay, Musharaxa Hassan Rohani, kaas oo sida wasiirku sheegay helay boqolkiiba konton iyo dheeraad codadkii la bixiyay.

Wasiirka arrimaha gudaha Iran  Mostafa Mohammad Najjar waxa kale oo soo bandhigay, liiska musharaxiintii tartamayay iyo sida ay ugu kala guulaysteen codadkii la dhiibtay ee dadweynaha, waxaanu tilmaamay in heerka ka soo qayb galka shacabka ee doorashadu gaadhay boqolkiiba todobaatan iyo ka badan dadkii xaqa u lahaa inay codeeyaan.

Balse Hassan Rohani  ay guushu ku raacday doorashadii 11aad ee dalkaa, waxaanu helay 50.7, Boqolkiiba, iyadoo codkooda la siiyay  ay dhan yihiin sideed iyo toban Milyan lix boqol iyo sadex iyo toban kun iyo boqol iyo lix iyo konton cod, (18, 613, 329),  taas oo kala badh ka ah guud ahaan codkii la bixiyay oo ahaa (36,704,156).
Markii lagu dhawaaqay natiijada doorashada Boqolaal  kun oo ruux, ayaa isugu soo baxay dariiqyada magaalada Tahran si ay ugu dabbaaldegaan guusha Xasan Ruuxaani, wuxuuna Musharaxa la doortay ee  Rooxaani  sheegay inuu doonayo in waddamada dibedda uu kula dhaqmo siyaasad furfuran.

Maraykanka ayaa ka gaabsaday in uu u hanbalyeeyo Madaxwaynaha cusub, laakiin waxa uu ku celiyay qorshihii Maraykanka ee ahaa in xal diblomaasiyadeed laga gaadho hubka Nukliyarka Iran.

Waddamada reer galbeedka ee kale ayaa ugu baaqay Iran inay baddesho siyaasaddeeda oo ay ka dhigto mid firfircoon.

Xasan Ruuxaani ayaa loo arkaa nin dhexdhexaad ah, in kasta oo talada ugu weyn ee maammulka dalka Iran uu leeyahay hoggaamiyaha diiniga ah Cali Khamenei.

Xasan Ruuxaani  waxa  lagu tilmaamaa hogaamiye qunyar socod oo isbedel doon ah, wuxuuna hore usoo  qabtay xilka gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka dalka Iran iyo xilal kale ee kala duwan, isagoo kasoo shaqeeyay gudiyo dhinacyada siyaasada arrimaha debeda iyo Milateriga xiligii uu socday dagaalkii Iran iyo Ciraaq.

Ruuxaani, wuxuu dhashay 1948,wuxuna kasoo jeeda qoys dhinaca diinta iyo dhaqanka ku caan ah, isagoo siyaasada soo galay yaraantisii, balse Hogaamiyihii dalkaa ee dhinaca diinta Ruhollah Khomeini, ayaa ka masaafuriyay dalka, wuxuuna dalka Faransiiska oo uu masaafuris ugu maqnaa kasoo laabtay 1979. Xasan Ruuxaani,wuxuu qoray 100 Buug, isagoo sameeyay daraasado tiro badan, wuxuuna shahaadooyinka MA iyo PhD oo dhinaca sharciga ah ka qaatay Glasgow Caledonian University. Hogaamiyaha cusub ee Iran Xasan Ruuxaani, wuxuu ku hadlaa Luqadaha English, Arabic iyo Persian.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *