xuutoHargeysa(ANN)Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa cambaareeyay Xadhiga ay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo kula kacday Guddoomiyihii Wargayska Madaxa-banaan ee Waaheen Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto), kaas oo shalay ay xarunta baadhista

 

denbiyada ee CID looga yeedhay.

Qoraalka Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee solja wuxuu wax lala yaabo ku tilmaamayaa warka maanta salaadii casar loogu xidhay tafatiraha wargayska waaheen maxamuud cabdi jaamac (xuuto) xarunta c.i.d ee magaalada hargeisa ,
Warkaas oo ah inuu wargaysku baahiyay shir jaraaid oo khamiistii dhawayd ay qabteen difaacayaasha xuquuqal insaanka Somaliland xaflad lagu xusayay maalinta xuquuqal insaanka dunida oo ka dhacday huteelka xaraf ee magaalada Hargeisa sida ay u sheegeen ururka Suxufiyiinta ee solja goobjoogayaal xadhiga tafatiraha in taliyaha c.i,d u markuu u yeedhay uu tusay waaran qabasho ah oo maxkamdeed iyo warkii lagu soo eedeeyay oo joornaalkii ku qoran ,halkaana uu ku xidhnaanayo ilaa maalinta sabtida oo maxkamada la gayn doono ,
Inkastoo taliyaha c.i.d-du beeniyay inuu tafatiraha uu xidhay mar uu caawa ururka solja khadka tilifoonka kula xidhiidhay balse wuxuu yidhi taliyuhu “waan u yeedhay oo wax ayuun baan waydiiyay oo sabtida ayaan ku idhi igu soo noqo
Si kastaba ha ahaatee ururka solja wuxuu canbaaraynayaa xadhiga tafatiraha wargayska waaheen maxamuud cabdi jaamac oo aan noociisa hore loo arag war qofkii sheegay joogo in wargays lagu qabsado maxaad u baahisay dhinaca kale ururka solja wuxuu canbaaraynayaa maxkamada soo amartay qabashada tafatiraha wargayska waaheen ee ay ahayd inay yeedhmo usoo dirto maadaama oo aanu weriyuhu dalka ka baxsanayn iyadoo aanay jirin yeedhmooyin hore oo uu ku iman waayay tafatiruhu
Ugu danbayntii maxkamadaha Somaliland iyo garsoorkaba waxaanu ka codsanaynaa inay ogaadaan inay u dhexeeyaan wariyayaasha iyo xukuumada Somaliland
ALLAA MAHAD LEH
M.RASHIID MUXUMED FARAX
XOGHAYAHA GUUD EE URARKA SOLJA

Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *