Hargeysa(ANN)Hawlgal Ciidamadda sirdoonka Somaliland oo kaashanaya mukhaabaraadka reer galbeedku hagayeen oo todobaadkii hore lagu soo qabtay Haweenay Soomaaliyad ah oo loo malaynayay gabadh si weyn loo raadinayay oo ka tirsan kooxda Al-shabaab ee ururweynaha

Al-qaida ayaa noqonwayday qofkii la raadinayay ee hawlgalka juhdiga badani ku baxay.

ma jiro war cad oo kasoo baxay  Hay’addaha baadhista  oo sheegaya  in haweenaydaasi aanay ahayn gabadha sida weyn loo raadinayay, balse  Warar shebekada Araweelonews ka heshay ilo wareedyo kala duwan oo la xidhiidha natiijada baadhitaan lagu waday haweenaydaa oo laga soo qabtay magaalada Boorama, ayaa sheegaya in Haweenaydaa oo la moodayay gabdh lagu magcaabo Umal Shabaab oo xubin mihiim ah ka ah Ururkaa ay noqonweyday sidii la moodayay. kadib markii haweenayda la qabtay oo qof daweyn ah baadhitaan lagu waday lagu ogaaday inaanay ahayn qofkii la doonayay ee Umal Shabaab, taas oo haysta dhalsho Maraykan ah, isla markaana qabashadeeda ay ciidamada sirdoonka reer galbeedka ee wada shaqaynta la leh Hay’adda sirdoonka Somaliland waaran qabasho ah usoo jareen. kadib markii ay warar sirdoonka reer galbeedku heleen loogu sheegay inay haweenaydaasi joogto magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal.
Wararka iyo xoggaha shebekada Araweelonews heshay ayaa sheegaya in Haweenaydaa oo ay isku magac yihiin qofka la raadinayay ay natiijada baadhitaan lagu sameeyay wejigabax ku noqotay sirdoonka Somaliland iyo hawlagalada sirdoonka reer galbeedka ee lagu soo qabtay haweenaydaa oo  hada lagu hayo Saldhiga dhexe ee Hargeysa, iyadoo aan weli la horgeyn Maxkamad mudo ku dhow todobaad oo baadhitaan lagu waday haweenaydaa oo u dhalatay Koonfurta Somalia.
Maaha markii ugu horaysay ee hawlgalada ay wadajirka u fuliyaan sirdoonka Somaliland iyo kuwa reer galbeedku ay ku hungoobaan hawlgal sidan oo kale ah, taas oo lala xidhiidhinayo qalabka ay adeegsanayaan ee GPS-ka  iyo macluumaadka ay helayaan ee lagu hagayo hawlagalada lagu qabanayo dadkaa oo aan  inta badan  ahayn kuwo sax ah, iyadoo sidan oo kale marar badan ay hawgalo si weyn loo abaabulay dadkii lagu soo qabtay baadhitaano lagu sameeyay ka dib ay noqdeen kuwo aan ahayn dadkii la raadinayay, kuwaas oo ugu danbaynta la siidaayo, balse lama hubo in haweenayda loo malaynayay Umal Shabaab in lasii deynayo oo xoriyadeedii loo soo celinayo iyo in lasii haynayo, ama maxkamad la horgeynayo.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *