Hargeysa(ANN)Maamulaha Dugsiga Boodhinka ah ee Abaarso Tech oo ku yaala duleedka Magaalada Hargeysa Mr Jonathan Starru oo u dhashay dalka Maraykanka, ayaa beeniyay warar ay warbaahinta qaarkood ku sheegeen in dugsigaa ay ka jirto waxyaabo lid ku ah

 

dhaqanka iyo Islaamnimada, isla markaana hablaha ku jira lagu dhiirigeliyo inay iska dhigaan dharka asturan ee Islaamka oo ay qaataan dharka dhaqanka gaalada.

Hase yeeshee Mr Jonathan Starru oo ah Maamulaha Iskuulka Abaarso Tech, ayaa beeniyay wararkaa, wuxuuna ku tilmaamay  arrimahaa kuwo been abuur iyo dacaayad ah oo la doonayo in lagu xumeeyo sumacada dugsigaa, isagoo dhinaca kalena sheegay in aany ardayda ka saarayn diintooda, isla markaana u diidin xidhashada xijaabka iyo shacaa’irka diiniga ah.

Mr. Jonathan Starru maamulaha  Abaarso Tech, waxa uu sidaa  ku sheegay war-saxaafadeed uu caawa soo saaray, kaas  oo u dhignaa sidan:-

“Abaarso Tech waa iskuul ku salaysan diinta Islaamka oo ku yaala Somaliland. Iskuulku wuxuu horumar aad u weyn gaadhay wakhtigii yaraa ee u asaasnaa. Horumarkan waxa ka mid ah iskolarshibyo dibada ah oo gaadha $500,000 oo ay heleen arday ka mid ah iskuulku.

Horumarkaa awgeed, waxa soo baxay dad u nool xaasidka iskuulka oo isku daya inay sumcada iskuulka ka dilaan. Dadkan sumcada iskuulka xumaynayaa waxa ay ku hadlaan waxyaalo aan jirin oo aan cadayn laheyn.

Dadkan waxa xumaanta ugu wacan oo ay rajeynayaan inay bulshada reerka Somaliland ka soo hor jeediyaan Abaarso Tech sababta oo ah waxa iskuulka maamula dad ajnabi ah oo aan Muslim ahayn.
Run ahaantii, Abaarso Tech waxay ka mid tahay iskuulada ugu ad adag marka loo eego shuruucda diiniyeed.

Fadlan qodobadan muhiimka ah nala eeg:

• Abaarso Tech waxa ku yaala masaajid weyn oo aad u qurux badan.Jadwalka iskuulkuna wuxuu leeyahay xiliyo u cayiman salaadaha.

• Ardayda Abaarso Tech waxa ay leeyihiin xisado ah Tarbiya Islaamiya oo uu u dhigo imaamka tuulada Abaarso leedahay.

• Hablaha dhigta iskuulka waxa ay ku khasban yihiin inay had iyo jeer xijaabka xidhaan oo ay isku asturaan sida ay diinta Islaamku ku farayso. Xataa macalimiinta dumarka ah ee ajnabiga ah ayaa iyaguna is astura oo xijaab xidha.

• Macalin kasta oo Abaarso Tech wax ka dhigaa waxa ay saxeexaan heshiis ay ku aqbalayaan inay ixtiraami doonaan dhaqanka iyo diinta wadanka. Macalinka ku dhaqmi waaya heshiiska ay saxeexeen talaabo adag ayaa laga qaadaa, iskuulkana waa laga eryaa.

• Dhawaan maamulka Abaarso Tech waxay soo dajiyeen shuruuc kala xijaabaysa habalaha iyo inamada iskuulka. Ardaygii ku dhaqmi waaya shuruucdan waxa ay waajahaan ciqaabo ay ka mid tahay in iskuulka laga eryo.

• Waxa kale oo uu iskuulku leeyahay shuruuc ku waa jahan qishka. Abaarso Tech ardaydu waxa ay ka bartaan wanaaga daacad nimada iyo karaamada ay leedahay runtu. Qof kastoo raba inuu waxa ka ogaado iskuulka dhaqankiisa iyo diintiisa
waxaanu ku dhiirigalinaynaa inay soo booqdaan iskuulka si ay indhahooda ugu arkaan iyagu markaana ay go’aan ka gadhaan.

Bisha December 18keeda 2012 oo ku beegan maalin Salaasa ah 11:30 aroornimo Abaarso Tech waxay martiqaad qado u diraysaa culimada bulshada. Waxaanu maamulka iskuulku diyaar u yahay inuu macluumaad iskuulka ka siiyo oo ayna ka wada hadlaan sidii loo wanaajin lahaa dhaqanka iyo diinta iskuulka.
Mahad Sanid.” ayuu qoraalkiisa ku yidhi Jonathan Starru.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *