Hargeysa (ANN) Suxufiyiinta ku bahoobay Ururka Mareega Somaliland (Somaliland Online Association) ee loo soo gaabiyo (SOA), ayaa si weyn u canbaareeyay xadhiga lagu kacay Tafaftirihii shebeka Berbera News Maxamed Siciid C/llaaahi (xarago) oo ciidanka CID ee Berbera xabsiga u

taxaabeen shalay, isagoo hawlo shaqo u joogay Magaadala Berbera.
Sidaana waxa lagu sheegay qoraal galabta kasoo baxay midawga Ururkaa suxufiyiinta, kaas oo ugu baaqay Xukuumadda Somaliland in xoriyadiisii loo soo celiyo suxufigaa, isla markaana talaabo laga qaado cida ku kacday falka xadhiga suxufigaa ee aan waafaqsanyn shuruucda  iyo dastuurka dalka.
Qoraalka kasoo baxay Ururka ay ku bahoobeen Mareegaha Somaliland, wuxuu isagoo dhamaystiran u qornaa sidan: – “Ururka ay ku bahoobeen  Mareegaha Somaliland (Somaliland Online Association ) ee loo soo gaabiyo [SOA], wuxuu aad uga xunyahay, isla markaana canbaaraynayaa xadhiga Tafaftirihii shebekada Berbera News Maxamed Siciid Cabdullaahi (Xarago) oo ay  masuuliyiinta ciidanka Baadhista Denbiyada (CID ) ee Berbera kula kaceen xadhig  1 March 2011, isagoo hawlo shaqo u joogay xarunta gobolka Saaxil ee Berbera. Kadibna ay ciidanka CID xabsiga u taxaabeen, iyadoo aanay jirin sabab qaanuuni ah oo loo xidhay suxufigaa, isla markaana aan loo soo marin dariiqii sharciga ahaa haddiiba ay jirtay cid denbi u sheegaynay.

Xadhiga suxufigaa oo ah mid qayral sharci ah, iyadoo loola dhaqamay qabashadiisa qaab aan waafaqsanayn dastuurka iyo shuruucda dalka iyo xeerka anshaxa saxaafada Somaliland.
Sidaa awgeed waxaanu ugu baaqaynaa Xukuumadda Somaliland inay suxufigaa xoriyadiisa usoo celiso, maadaama uu bilaa sabab iyo sharci daro ku xidhanyahay.
Gebagebadii Xadhiga Suxufigaa waxaanu u aragnaa mid aan waafaqsanayn qaanuunka dastuurka Somaliland iyo xeerarka dalka, isla markaana wuxuu gebei ahaanba ka hor imanayaa xeerka Saxaafada Somaliland ee golaha wakiiladu ansixiyay, kaas  oo digreeto madaxweyne lagu hirgeliyay. waxaanu mar labaad ugu baaqaynaa Xukuumadda inay xoriyadiisii usoo celiso Maxamed Siciid Cabdullaahi oo sabab la’aan ugu xidhan xabsiga magaalada Berbera.
Waxaanuna  Xukuumadda usoo jeedinaynaa gefka iyo meel ka dhaca lagu sameeyay oo qabashadiisa si ka baxasan xuquuqda aadamaha iyo xeerarka dalka  loodu awood sheegtay inay baadhitaan ku samayso, isla markaana waajibkeeda la mariyo cidii bixisay amarkaa gefka ku ah shuruucda dalka iyo isbdelkii dumuqraadiyadeedba.” ayaa lagu yidhi qoraalka kasoo baxay Ururka ay ku bahoobeen Mareegaha Somaliland (Somaliland Online Association ) ee loo soo gaabiyo [SOA].

Araweelonews Mobile

Somaliland Office

E-mail info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *