Hargeysa(ANN)Kooxmacalimiin ah oo ka mid ah macalimiinta Dugsiyadda waxbarshada Somaliland  ayaa maanta mudaharaad cabasho ah la hortegey Xarunta Wasaaradda waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Somaliland ee Magaaladda Hargeysa. Macalimiintan ku dooday

inay yihiin kuwo aan si rasmi ah ugu diiwaangashanayn wasaaradda, balse maamulayaasha dugsiyadda qaarkood qorteen ka hor intaan wasaaraddu kala shaandhayn, isla markaana  macalimiinta ayaa sheegay in mushaharkoodii aan la siinin oo  ay wasaaradda iyo Maamulayaasha dugsiyaddu isku tuurtuureen horena aan loogu sheegin in laga reebay macalimiinta rasmiga ah.

Sidaa awgeed waxay codsadeen in Wasaaraddu siiso wixii ay ugu tallo-gashay maadaama oo kala shaandhaynta Wasaaradda ka hor ay ka shaqeyn jireen dugsiyadda.

Wasiirka Wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aaden, ayaa macalimiintan kula hadashay barxada dhismaha  Wasaarada isla-markaana ku qancisay in arintooda dib loo eegi doono si xal looga gaadho.

Marwo Samsam waxay u sheegtay macalimiintan cabashada wasaaradeeda la hortagay in wasaaraddu aanay cid ka dulmi doonin wixii ay xaq u leeyihiin, sidaas daraadeed ay samraan inta la gaadhayo sabtida todobaadka dambe.

Hase yeeshee macalimiinta ayaa ku dooday in aanay wasaaradda ku kalsoonaan Karin oo ay wax isdaba marinta iyo musuqmaasuq ku tilmaameen, balse wasiirka mudo nusa saac ku dhow ay wada hadlayeen macalimiintaa ayaa markii danbe ku qancisay in aan wax musuqmaasuq ah lagu samaynayn ee ay ka war sugaan iyada.
Dhinaca kale, kooxda macalimiinta ah oo cabasho la wareegayay mudooyinkii u danbeeyay ayaa todobaadkii hore laga celiyay xarunta golaha wakiilada oo ay doonayeen inay cabashadooda la hortageen, mana aha markii u horaysay ee sidan oo kale cabasho la yimaadaan xarunta wasaaradda waxbarashada Somaliland.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *