Madaxweyne Siilaanyo Magcaabay Wasiirka warfaafinta, Wasiir Ku Xigeen, Afhayeenka Madaxtooyada Iyo xilal KaleHargeysa(ANN)Urur siyaasadeedka UDHIS oo ay hogaamiyaan Muj. C/raxmaan Aw Cali Faarax, Muj. Ibraahin Dhegaweyne iyo xubno kale oo xildhibaano ka tirsan golaha wakiilada, ayaa ku kala qaybsamay inay ku biiraan xisbigii UDub oo weli magac ahaan u taagan iyo Urur siyaasadeedka

 

NASIYE oo ka mid ah Ururadii dhowaan usoo gudbay inay ka qayb galaan tartanka doorashada golayaasha deegaanka iyo Ururada ee loo qorsheeyay inay dalka ka qabsoomaan dabayaaqada sanadkan.
UDHIS oo ka mid ahaa Ururadii ku hadhay wareegii hore ee qiimaynta Ururada cusub ee Siyaasada, ayaa hore dacwad ugu gudbiyay Maxkamadda Sare ee dastuuriga ah, balse markii ay waayeen jawaab go’aan Maxkamaddu kaga gaadho dacwada cabashadooda, waxay Muj. C/raxmaan Aw Cali iyo Muj Dhegaweyne door bideen inay ku biiraan garabka ka hadhay xisbigii UDUB ee Daahir Rayaale Madaxweynihii hore ee Somaliland oo xisbigiisu mudada dheer xukumayay Somaliland, balse khilaaf siyaasadeed iyo muran xal loo waayay sababay inuu bur-bur soo waajaho.
Hase yeeshee garab ka mid ah UDHIS, ayaa ku gacansaydhay hindisahaa ay hormoodka u yihiin labada Mujaahid, kuwaas oo soo jeediyay in lagu biiro URURKa NASIYE. laakiin sida ay sheegayaan xoggaha shebekada Araweelonews ka heshay arrimahaa, waxa laysku mari waayay oo hogaanka UDHIS iyo koox ka mid ah Ururku isku khilaafeen wadada la marayo iyo Ururka lagu biirayo. laakiin sida ay sheegayaan wararka iyo xoggaha la xidhiidha arrimahaa, waxay kooxda UDHIS oo kala qaybsani isku afgaran waayeen inay meel wada maraan, taas oo keentay inay kooxda soo jeedisay in lagu biiro NASIYE go’aan ku qaadatay inay ku biiraan Ururkaa, kuwaas oo heshiis la galay kadib wadahadalo u socday maalmahan.
garabka UDHIS ee ku biiraya NASIYE, ayaa subaxnimada Axada 2 Sep, 2012, waxay munaasibad balaadhan ku muujinayaan inay ku biireen Ururkaa, taas oo aanay ka qaybgelayn masuuliyiinta sare ee UDHIS.
wixii kasoo kordha kala soco shebekada Araweelonews.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *