http://www.somaliland.org/images/b/2012/09/siilaanyo2.jpgHargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland  Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa saaka u kicitimay dalka Ethiopia si ay uga qaybgalaan maalinta Axadda bari aaska Raysal wasaarihii hore ee Ethiopia Males Zanawi, oo laba todobaad ka hor

 

geeriyooday.
Madaxweynaha Somaliland oo ay weftigiisa xubno ka yihiin Wasiirrada Wasaaradaha Arrimaha dibada Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, Madaxtooyadda Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Marwada koowaad ee Madaxweynaha Marwo Aamina Sh. Maxamed Jirde (Aamina Waris).
Madaxweyne Siilaanyo oo saxaafada kula hadlay qolka VIP-da ee madaarka Hargeysa ka hor intaanu u anbabixin Magaalada Adis-ababa ayaa sheegay inay marti-qaad rasmi ah ka heleen dawlada Ethiopia,isla markaana ay ka qaybgelayaan aaska raysal wasaarihii hore ee dalkaa oo loo samaynayo aas balaadhan oo loo samaynayo Raysal wasaarihii hore ee Ethiopia Males Zanawi,kaas oo si rasmi ah loogu marti-qaaday.

Madaxweynaha waxa madaarka ku sii sagootiyay Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland C/Raxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) iyo xubno ka mid ah goleyaasha qaranka.
Dhinaca kale masuuliyiin ka timi dalalka Afrika iyo dunida kale ayaa ku qulqulaya xarunta dalka Ethiopia, kuwaas oo ka qaybgelaya aaska raysal wasaarihii hore ee dalkaa.

 

Araweelonews Mobile Somaliland Office

jaamac132@gmail.com

info@araweelonews.com

shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *