Hargeysa(ANN)Maxkamada sare ee Somaliland, isla markaana ah Maxkamadda dastuuriga ah,  ayaa maanta soo saartay go’aan ay ka gaadhay dacwadii ururadii siyaasada ee ku hadhay qiimaynta guddida diiwaangalinta ururada siyaasada iyo ansixinta

asxaabta.

Gudoomiyaha maxkamadda Sare ee Somaliland  Dr.Yuusuf ismaacii Cali, ayaa sheegay in markii ay Maxkamadda sare dib u eegis ku samaysay dacwadihii ay ururadii qiimeynta ku hadhay usoo gudbiyeen maxkamada aanay buuxinin shuruudihii lagama maarmaanka u ahaa in loo aqoonsado urur siyaasadeed ka qaybgalla doorashooyiinka golaha deegaanka ee soo socda.

Haseyeeshee, ururaddan maxkamadda sare sheegtay inay ku hadheen shuruudhii laga rabay, ayaa go’aankaasi ay ku ayidayaan guddidii diiwaangelinta ku tilmaamay mid cadaaladda ka fog, isla markaana horaba wakhtiga looga lumiyey loona habsaamiyey, maadaama oo wakhtigii loo qabtay ururada inay liiska musharaxiintooda soo gudbiyaan ka hadhsan tahay 12 cisho.

Ururadan ku tilmaamay cadaalad darada go’aankaasi ayaa waxa ka mid ahaa ururka, HORYAAL, JAMHUURIGA, NDP iyo UDHIS, waxaanay sheegeen inay xukuumaddu soo farogalisay garsoorka, isla markaana siday rabtay uun u xukumeen, waxaanay tilmaameen inay markii horaba sii garanayeen balse ay nidamka dalka u yaallo uun marayeen si ay sharciga u hogaansamaan.

Prof: Cabdisalaan Yaasiin oo ka mid ah urur siyaaseedka Horyaa, isla markaana ka mid ahaa masuuliyiinta ka  socday Ururada hadhay ee go’aanka Maxkamadda sugayay oo warbaahinta la hadlayey ayaa, waxa hadalkiisii ka mid ahaa “Maxkamad raagtay waa cadalaad la’aan way raajisay go’aankii aanu ka sugaynay, ta labaad qoladii Diiwaangelinta ee aanu ka dacwoonaynay go’aankoodii qaloocay uun bay ku ayiday oo ay raacday”

go’aankan ay Maxkamaddu maanta gaadhay ayaa ku soo beegmaya xilli ay gebogabo ku jiraan muddadii loo qabtay ururada iyo xisbiyadda inay ku soo xareeyaan musharaxiintii tartanka doorashooyinka uga qaybgali doona golaha deegaanka, isla markaana ma jirto meel kale oo ay uga wareegi karaan oo aan ka ahayn inay ururada iyo xisbiyada jira ku kala biiraan.
Dhinaca kale go’aanka Maxkamadda, ayaa kusoo beegmay, iyadoo arrUrurka UDHIS oo hogaamiyayaashiisu maxkamadda ku sugayeen go’aanka, iyadoo qayb ka mid ah Ururka UDHIS maanta munaasibad ku qabsadeen Huteelka maansoor, taas oo ay kula midoobeen Ururka NASIYE oo ka mid ahaa Ururada u taagan tartanka doorashada ee golayaasha deegaanka iyo axsaabta.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com    
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *