Hargeysa(ANN)Urur Siyaasadeedka UDHIS oo ka mid ahaa Ururada ku hadhay wareegii hore ee kala reebista Ururada, ayaa maanta Munaasibad si weyn looso agaasimay kaga dhawaaqay inay ku biireen oo ay la midoobeen Urur siyaasadeedka NASIYE oo ka mid ahaa

 

Ururada usoo gudbay inay ka qaybgalaan tartanka doorashooyinka golayaasha deegaanka iyo Axsaabta ee la filayo inuu dalka ka dhaco dabayaaqada sanadkan. Munaasibadaa labada Urur ee NASIYE  iyo UDHIS oo lagu Qabtay Hotelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa, waxaa kasoo qayb galay Gudoomiyaha Urur-siyaasadeedka Nasiye Axmed Muxumed Cumar(Axmed Talyaani), Xubno ka mida Hogaanka sare ee Urur-siyaasadeedka Nasiye oo ay ka mid yihiin Guddoomiyaha Golaha Marjaca,C/llaahi, Buraale Jibriil Gaaxnuug,Guddoomiyaha Gobolka Maroodi Jeex,C/risaaq Kildhi iyo Xildhaan
C/qaadir (Indho-indho).


Dhinaca kale waxa madasha ay ku midoobeen labada Urur Siyaasadeed  u meteleyey dhinaca Ururka UDHIS Xildhibaan Maxamed Xaaji Maxamuud Cumar Xaashi oo siweyn ugu mahadnaqay sida Maamuuska leh ee Ururkooda UDHIS ay usoo dhaweeyeen Urur Siyaasadeedka NASIYE,isagoo sheegay inay iskuraacsan yihiin dhamaan Hogaanka ururka UDHIS,  balse  aanay u wadasuurta gelin inay Heshiiska ka soo wada xaadiraan Hogaankii Sare
ururka UDHIS. laakiin aanay taasi wax xagal daaca ku keenidoonin hishiiska ay ku wada  midoobeen Ururkooda UDHIS urur Siyaasadeedka NASIYE

xildhibaan Maxamed Maxamuud Cumar Xaashi oo Hagaanka Sare  ee Ururka UDHIS ka mid ah, wuxuuna isagoo ka hadlaya sababta ay ula midoobeen Ururka NASIYE yidhi, “Waxan si weyn ugu mahad celinya Dadka isku xilqaamay qaban qaabada Madashan qiimaha leh,waxaan sido kale siweyn u
soo dhaweynayaa Madaxda labada Urur ee Udhis iyo Nasiye ee halkan fadhida,  isla markana isku biiraya,  ama midoobay,waxaanan ka mahad
celiynayaa in Madashu noqotay mid lagu guulaystay,runtiina dadku inta badan Mabaadii ayuu ku socdaa,danta aanu maanta ugu nimi een ugu soo
biirnay Ururka NASIYE waxa weeye dalku waxa uu u badan yahay dhalinyaro marka dumarkana lagu daro oo iyagaana u badan dhalinyaro,waxa ay noqonayaan cida ugu badan dhamaan Gobolada dalka,“Waxan u malayenaya in Somaliland aynu wada daalay inta waaweyni dadkuna wuu daalay waxana loo baahan yahay,marka waxa loo baahan yahay in Nasiye lagu nasiyo sidaas ayaanu ku rajo weynahay, ,ugu danbeyntii waxan u mahadnaqaya Madaxda iyo Hogaanka sare ee Ururka Nasiya oo si sharaf leh noo soo dhaweeyey si aad u qiimo lehna noo qadariyey waxanan leeyahay Midawgeenu waa kii reerkani ku degayey hadii ALLE yidhaahdana NASIYE ayeynu ku nasandoono,waxan hadalkeyga kaga baxaya Maanta hadii ay daan inta yadii ururka Udhis aheyd wada arkeyn dhamaantayo waanu wada hadlay waanan isku raacsanay in aanu halkan wada nimaadno laakiin waxa dhacday qabanqaabada ayaa nagu wada degdeg aheyd wada jirkana waydun arki dhawaan”

Sidoo kale waxa ka hadlay Madasha heshiiska ay kula midoobeen ururka Udhis,urur Siyaasadeedka NASIYE Guddoomiyaha Ururka Nasiye Axmed
Muxumed Cumar (Axmed Talyaani) waxanu yidhi, “Waxanu halkan ku soo dhaweynayna Munaasibada aanu u qabanay Midawga Ururada NASIYE iyo
Udhis oo halkan Maanta isku biiray,runtiina Anaga ka NASIYE ahaan waxay noo tahay laba Farxadood mida koowaad waxa nagu soo biiray
Garabkii aanu tebaynay hadii aanu nahay dhalinyarta oo aha Mujaahidiintii Aqoonyahanadii dalka oo aanu laanahay soo dhawaada,Farxadayada labaadna waxa ay aheyd Ujeedada Ururka asaaska NASIYE in loo helo Madal siyaasadeed oo ka duwan  waxa ay ku ururaan Xisbiyada,  ama Ururada maanta jira,  ama ay ku saleysnaayeen Axsaabta maanta jirta”

Guddoomiyaha Ururka NASIYE  Axmed Muxumed Cumar (Axmed Talyaani) oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi, “Siyaadada Ururka NASIYE ayaa Waxa ay aheyd in qof kasta uu muujiyo hamigiisa iyo Damaciisa siyaasadeed ee ku jira mana haboona hamiga qofku u leeyahay  in laga hor istaago,marka si weyn ayaanu u soo dhaweynayna Ururka Mujaahidiinta u UDHIS  ee Madashan Xaflada aanu ku kala saxeexanayno Heshiiska ka kooban,in labada Urur ee UDHIS oo ka mid ahaa Ururadii Guddida Doorashadu sheegeen inay dhaceen iyo Ururkayaga  NASIYE oo ka mid ah 6-dii Urur Siyaasadeed ee kusoo gudbay liiskii kala reebida ururada Siyaasada waxa ay ku heshiiyeen waxa weeyaan in dhamaan Xafiis yadooda Gobolada dalka la mideeyo in Awoodooda iyo Cududooda taageeroyaashooda Gobolada Somaliland hal mid noqdaan,  isla markana Magaca labada Urur ay ku midaysnaandoonaan Magacii Ururka NASIYE” ayuu yidhi Gudoomiyaha NASIYE.

Dhinaca kale heshiiska UDHIS la galay NASIYE, ayaa kusoo beegmay, iyadoo maxkamadda sare ee dalka maanta soo saaraysay go’aan dacwad ay kaga cabanayeen Ururada hadhay ee uu UDHIS ka mid ahaa, taas oo go’aankeena maanta shaacisay, isla markaana ku sheegtay inay hadheen dhamaan Ururadii uu ka mid ahaa UDHIS oo ay buuxin waayeen shuruudihii gudida diiwaangelintu ku qiimaynaysay.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *