R/Wasaarihii Itoobiya Meles Zenawi oo Aas heer qaran ah loogu sameeynayo AddisababaAdis-ababa(ANN)Maydka Raysal wasaarihii hore ee Ethiopia ayaa lagu wareejiyey jidadka Magaaladda Addis-ababa, ka hor intii aan la aasin maanta,  iyada oo ay jidadka taagnaayeen kumanaan dadwayne  oo aad uga murugaysan geerida hogaamiyohoodii  Meles Zenewi, kuwaas oo sitay

sawirada Raysal wasaarihii hore ee dalkaa Meles Senewi oo muddo laba todobaad ka hor ah ku geeriyooday dalka Bilguim, balse maanta loogu sameeyay aas qaran Magaaladda Addis-ababa. 

Markaa ka dib ayaa maydka Meles Zenewi ayaa la dhigay fagaare lagu magacaabo Masker, kaas oo ku yaala badhtamaha Addis-ababa, waxaana halkaasi hadalo ka jeediyay madaxda caalamka oo ay ku jiraan labaatan hogaamiye oo Afrikan ah, kuwaasi oo uu ka mid yahay Madaxwaynaha Jamhuuryadda Somaliland  Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxayna madaxdaasi u tacsiyeeyeen shacabka dalka Ethiopia.

Sidoo kale, waxaa goobjoog ka ahaa Aaska Meles Zanewi madaxweynayaal ka socday in ka badan 20 dal oo Afrikaan ah, mas’uuilyiin horay xilal uga soo qabtay Afrika iyo kuwo kale, kuwaas oo sheegay in Zenawi uu ahaa halyey ka baxay Afrika.

Markaa ka dib ayaa Raysal-wasaarihii hore ee Ethiopia oo geeriyooday isaga 57 jir ah, waxa lagu aasay Kaniisad ku taala Addis-ababa oo ay ku aasan yihiin dad madax ka soo noqday dalkaa oo uu ka mid yahay boqorkii  ugu danbeeyay ee xukuma dalkaa cahdigii Boqortooyada Ethiopia Hayle Salaase, iyada oo maydka Meles halkaas lagu geeyay gaadhi Impalas oo  ay hareero socdeen Fardo la sharaxay iyo mootooyin aad u faro badan.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

 

 

 

Meles Zenawi oo lagu aasay Addis’ababa iyo Madax Afrikaan ah oo ka qeybgashay aaskiisa

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *