Hargeysa(ANN)Urur Siyaasadeedka Rays oo ka mid ah 15 Urur siyaasadeed oo lagaga dhawaaqay Somaliland, si ay uga qaybgalaan tartanka Doorashada Golayaasha deegaanka ee la filayo inay dalka ka dhacaan, isla maraakana ka mid ah kuwa

 

ugu cad cad ee doonaya inay u gudbaan xisbinimada ayaa maanta shirweynahooda koowaad ku  qabsaday  Huteelka Xaraf  ee magaalada Hargeysa.
Shirweynahan oo ahaa mid si weyn loo soo agaasimay, waxa kasoo qayb galay boqolaal qof oo ka socday  Ergooyinka Xafiisyada uu Ururku ku leeyahay Gobolada Dalka oo dhan, kuwaas oo isugu jiray dhalinyaro,  Haween, salaadiin madaxdhaqameed, siyaasiyiin xubno ka socday Baarlamaanka Somaliland ee guurtida iyo wakiilada, iyadoo ay goob joog ka ahaayeen xubno ka socday gudida diiwaangelinta Ururada iyo ansixinta axsaabta qaranka oo uu hogaaminayay  Guddoomiyaha Guddida Diiwaangelinta Ururada C/risaaq Ciyaale iyo sidoo kale marti sharaf.
Shirweynaha Ururka Rays, oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay waxa lagu doortay Hogaanka sare ee Ururka Rays, Gudi fulineed iyo Gole Dhexe, isla markaana waxa lagu Ansixiyay Barnaamij Siyaasadeedka Ururka iyo Dastuurkiisa uu yeelanayo oo lagu soo bandhigay shirweynaha, kaas oo loo qaybiyay ergooyinka.
.
Shirweyanaha Ururka Rays intii uu socday waxa hogaaminayay shir gudoon loo doortay furitaankii shirka, iyadoo hogaankii ku meelgaadhka ahaa ee madaxda u ahaa Ururku soo fadhiisteen madasha ergooyinka iyo ka qaybgalaasha, waxaana khudbado ka waramaya Ururkaa iyo Ujeedooyinka iyo himilooyinka loo aasaasay ka jeediyay masuuliyiinta seeska u dhigay, aqoonayahano, Madaxdhaqameed iyo qaybo kale oo ka mid ah dadkii kasoo qaybgalay shirweynahaa ka hor intii aan la gaadhin doorashada hogaanka Ururka iyo ansixinta barnaamijyadiisa siyaasadeed, kuwaas markii la gaadhay si guud cod gacan taag ah loogu doortay hogaanka Ururka iyo ansixinta dastuurka iyo barnaamijiisa.
Waxaana  Guddoomiye loogu doortay Xasan Gaafaadhi oo ahaa Guddoomiyihii ku-meel gaadhka ahaa ee Ururka, iyadoo cod gacan taag ah ku ansixiyeen Ergooyinka shirweynaha kasoo qaybgalay.

Madaxda Urur Siyaasadeedka Rays oo shirweynaha ka hadashay  kadib markii la doortay ayaa muujiyay inay kalsooni buuxda ku qabaan inay usoo bixi doonaan tartanka Ururada iyo Axsaabta ee Doorashada soo socota, waxaanay sheegeen Ururkoodu ka midho dhalin doono haddii uu Xisbinimo u soo baxo inuu dalka gaadhsiin doono Horumar.
Kooxda Ciyaaraha iyo Hidaha ayaa iyana madasha Shirweynaha ku soo bandhigtay Ciyaaro xiiso badan oo aan noocooda hore loo arag iyaga oo dhextaal uga dhigay madadaaladooda intii ay socdeen hawlaha shirweynuhu.
Liiska Hogaanka Urur Siyaasadeedka RAYS uu maanta ku doortay
Shirweynihiisuna waxay kala yihiin Guddoomiye Dr. Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi)
Guddoomiye ku-xigeenka koowaad Aadan Axmed Cilmi (Dhoolayre)

Guddoomiye ku-xigeenka labaad Saleebaan Barkhad Qalonbi
Xoghayaha Guud ee Ururka RAYS C/qaadir Xuseen Yuusuf , iyadoo Afhayeenka Ururka loo doortay Khaliif Maxamed Warsame Xiinwaal .
Sidoo kale waxa lagu doortay xubnaha Golaha dhexe oo dhan 123 tirada oo ku salaysan tirada baarlamaanka iyo badhkeed oo qaab gobolaysan ah iyo gudi fulineed oo ka kooban 17 qof.

Kooxda Ciyaaraha iyo Hidaha ayaa iyana madasha Shirweynaha ku soo bandhigtay Ciyaaro xiiso badan oo aan noocooda hore loo arag iyaga oo dhextaal uga dhigay madadaaladooda intii ay socdeen hawlaha shirweynuhu ee lagu jiray dhamaystirka qorshaha shirweynaha iyo ujeedooyinka laga lahaa.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *