Muqdisho(ANN)Madaxweynaha Dawlada taagta daran ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in lagu casuumay munaasibadii Arbacadii lasoo dhaafay lagu qabtay Tiyaatarka ee lala beegsaday qaraxa is miidaaminta ah ee ay ku nafwaayeen in ka baddan toban

 

qof, isla markaana ay ku dhaawcmeen ku dhowaad afartameeyo kale.
Hase yeeshee aanu ka qayb gelin oo uu ka baaqsaday, isagoo masuuliyada wixii ka dhacay halkaa dusha u saaray wasaaradda warfaafinta dawladiisa oo uu sheegay inay iyadu maamulaysay, isla markaana aanay la socodsiin hay’addaha amaanka iyo ciidmada.
Sheekh shariif wuxuu sidaa ku sheegay hadal uu xalay ka jeediyey kulan casho ah oo lagu casumay wariyaal iyo fannaaniin laguna qabtay aqalka madaxtooyada ee Villa Soomaaliya,  ayaa sharxaad ka bixiyay cidda iska lahayd masuuliyada wixii dhacay ee dhibaato ah oo uu sheegay inay ahayd  masuuliyada khalad ay sameysay wasaarada warfaafinta iyo qabanqaabiyaashii xaflada, kuwaas oo uu carabka ku dhuftay  in aanay  ka taxadrin amniga dadka faraha badan ee goobtaa  isugu tegey.
Madaxweyne Shariif wuxuu tusaale usoo qaatay saddex arimood oo kala ah;
– In munaasabada dadka badani lagu casumay aan lagu wargelin hay’addaha amaanka, gaar ahaan Booliska iyo nabadsugida.
– In waraaqaha casumaada ee loo diray martida aan loo qaabeyn si sharci ah,  isla markaana cid kasta ay heli karaysay.
– Iyo sidoo kale  in wasaaradda warfafinta oo diyaarinta xafladaasi lahayd aanay samayn  wax qorshe ah oo ku aadan habka ay munaasabada u dhici lahayd,  taas oo keentay in qaabka aan xadidneyn ay munaasabada u dhacdo.
“Markii aan weydiinay hay’adaha amaanka waxay dhamaantood cadeeyeen inaan lala socodsiin xaflada” ayuu yidhi Madaxweynaha dawladda taagta daran oo sheegay in khaladka oo dhan ay qaadaneyso wasaaradda warfaafinta, isagoo xusay inuu weli socdo baadhitaanka cidii lahayd masuuliyada ee suurta gelisay inay ka faa’idaystaan cadawgu, isla markaana ka fuliyaan qaraxa ka dhacay goobta.
Hadalka Madaxweyne Shariif ayaa abuuray doodo shaki dhaliyay oo dadweynaha su’aalo ka dhex dhaliyay, iyadoo qaarkood ku doodayaan inay suurta gal tahay in digniin la siiyay isaga shaqsiyan oo uu sidaa uga baaqday xaflada, halka kuwo kalena ku doodayaan inuu ka cabsi qabay inay waxaas dhacayaan, maadaama ay si fiican isu yaqaaniin kooxda qaraxaa sheegatay ee Al-shabaab oo ay isku ahaayeen maxkamaddii islaamiga ahaa ka hor intii aanu madaxweynaha noqon.
inaksta oo Madaxweyne Shariif sheegay inuu hawlo uga baaqsaday inuu ka qayb galo munaasibadaa, hadana wuxuuna hadalkiisu   kusoo beegmay  xilli masuuliyiinta dawlada taagta daran ay ku mashquulsan yihiin sidii ay u ogaan lahaayeen qaabkii haweeneydii ismiidaamisay gudaha ugu soo gashay xafladii Tiyaatarka ka dhacaysay Arbacadii hore oo ay ku nafwaayeen masuuliyiin ka tirsanaa golayaasha dawladda,  fanaaniin,  Ciyaartoy caan ah iyo shaqsiyaad kale, kuwaas oo  tiradoodu kor u dhaafay toban ruux,  isla markaana tiro  40-meeyo kalana ay dhaawacyo kasoo gaadhay ugu jiifaan cusbitaalada gudaha dalka iyo kuwo loo qaaday dalka Kenya.
Dhinaca kale Wasiirka Warfaafinta DKMG ee Somalia Cabduqaadir Xuseen Maxamed (jaahweyn), ayaa  markii ay soo baxday eeda Madaxweynuhu dusha u saaray wasaaraddiisa  sheegay in wasaaradiisu ay xilkeedii kasoo baxday, isla markaana aanay wax eed ah ku lahayn wixii ka dhacay halkaa ee ay hay’addaha amaanku ku shaqo leeyihiin. Waxayna jawaabta wasiirku u muuqtaa mid uu kaga jawaabayo dhawaaqa madaxweyne Shariif.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *