Hargeysa(ANN)Urur Siyaasadeedka UDHIS,  oo ka mid ah 15-ka  Ururada siyaasaeed  ee doonaya inay u tartamaan doorashooyinka golayaasha deegaanka ee la filayo inay dalka ka qabsoomaan bilaha soo socda ayaa maanta Huteelka Crown ee Magaalada Hargeysa ku qabsaday

 

shirweynahoodii kowaad,  kaas  oo ay ka soo qayb galeen koox mujaahidiin u baddan oo aasaasay Ururkaa, Boqolaal Ergooyin ah oo ka kala yimi gobolada dalka iyo debeda.
Sidoo kale shirweynaha Urur Siyaasadeedka UDHIS, waxa kale oo kasoo qaybgalay martisharaf ka socotay qaybaha kala duwan ee Bulshada iyo Gudida Diiwaangelinta Ururada Siyaasada.   Madasha lagu qabanayey Shirweynaha ayaa loo doortay gudi hogaamisa intii uu socday shirweynuhu.
Guddoomiyihii  ku meel gaadhka ahaa ee Urur Siyaaasadeedka   UDHIS  Mujaahid Ibraahim C/llaahi Xuseen  (Dhagaweyne) oo  halkaa  ka hadlay ayaa ka waramay marxaladihii kala duwanaa ee Ururkaasi  soo maray iyo waxyaabihii keenay aas aasiiskiisa, waxaanu sheegay in marxaladaha kala duwan ee uu ururu soo maray ahayd mid waayeheeda iyo duruufeheeda lahayd,   isla markaana ay ujeedada ay Ururkaa u  aas aaseen ay tahay sidii ay u heli lahaayeen Urur bulshadu wada leedahay.


Mujaahid Ibraahim Dhagaweyne, wuxuu isagoo sharaxaad ka bixinaya  arrimahaa yidhi,   “Urur Siyaasadeedkan UDHIS oo jiray muddo sanado ah, waxa uu soo maray marxalado kala duwan, waxaanay ujeedada loo aas aasay ahayd sidii loo heli lahaa Xisbi siyaasadeed oo ay Bulshadu wada leedahay, maadaama oo Ururada iyo Xisbiyada maanta dalka ka jira ay yihiin qaar ay dad gaar ah sheegtaan, waxaanu anagu taasi kaga duwanahay in aanu ku talo galnay inay Xisbiga wada yeeshaan kii maanta soo galay ee reer Somaliland ah iyo kii hore ugu jiray, isla markaana shuruuda kaliya ee ku xidhani ay tahay inay wada bixin karaan uun wixii lagu horumarinayo Ururka.”

.

Muj. Ibraahim Dhego-weyne, waxa uu soo jeediyey masuuliyiinta ururkiisa in talada la is wada gaadhsiiyo oo halka ugu hoosaysa laga soo dhiso, “Waxa weeye mar walba waxaynu dooranaa inaanay meel sare ku daldalnaanin ee talo tii ugu horreysay ee aynu ka bilawnay oo ah gobol walba inuu isagu soo doorto madaxdiisa, ergadiisa iyo golayaashiisa oo talo hoos ka soo bilaabantay ilaa mid gudeed, dibadeed, talo dadku wada leeyahay, dhaqaale la wada leeyahay oo aan reerna looga marti noqon, cid gaarina aanay bixin ee ay noqoto inaynu gaadhno ayaa ururkan u joogaa.
Sidoo kale Maxamed  Saleebaan Wayne oo ka mid ah saraakiisha Ururka ayaa furitaanka  shirweynaha hadal uu ka jeediyay  kaga  waramay waxyaabaha uu Ururkani u taagan yahay iyo maba’aadiidiisa.
Dhamaan Masuuliyiintii madashaasi ka hadashay ayaa waxa ay ku dheeraadeen sida Ururka UDHIS aanu u ahayn mid cid gaar ah leedahay, balse ujeedada loo aas aasay ay tahay sidii bulshada oo dhami uga wada qayb qaadan lahayd horumarintiisa, isla markaana Ururku uga qayb qaadan lahaa horumarinta Buslhada.

Xildibaanno Golaha Wakiillada ah iyo ergada gobollada oo halkaas ka hadlay, ayaa iyaguna soo jeediyey in ururkan laga shaqeeyo isku duubnidiisa iyo siduu u soo hoyn lahaa guulo waaweyn.
Intii shirweynuhu socday, ayaa lagu doortay guddida shir-guddoominaysa shirweynaha oo ka kooban shan xubnood, waxaana Guddoomiye loo doortay Xildhibaan Ibraahim Rayte, Guddoomiye-ku-xigeen Ibraahim Aadan Gadiid, Xoghaye Axmed Xirsi Cali, Cabdiqaadir Xaaji Cali, Cali Axmed Cabdi iyo Muuna Maxamed Xasan.

.

Xafladan lagu muujiyey awoodda urur-siyaasadeedka UDHIS, ayaa lagu soo bandhigay heeso lagu amaanayo ururka hoggaankiisa, ciyaaro hide iyo dhaqan oo dhallinyarada ururka SOCSA halkaas kus oo bandhigeen.
Shirweynaha oo muddo laba cisho ah ka socon doona, ayaa maanta la rajaynayaa in lagu doorto hoggaanka sare ee ururka majaraha siyaasadeed u qaban doona.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *