Universal Oo Baahiyay Dacaayado Meel Ka Dhac Iyo Xaqiraad Ku Ah Qaranimada Somaliland; Falanqaynta AraweelonewsTelefishanka Universal ugu caansan kuwa Walaweynta ee ee laga leeyahay Somalia ayaa baahiyay xalay muqaallo meel ka dhac iyo gef ku ah qaranimada Somaliland oo ujeedadoodu ahayd dacaayad iyo

 

xaqiraad uu ku canjilayo qaranimada iyo jiritaanka Somaliland. Telefishanka Universal ugu caansan kuwa Walaweynta ee ee laga leeyahay Somalia ayaa baahiyay xalay muqaallo meel ka dhac iyo gef ku ah qaranimada Somaliland oo ujeedadoodu ahayd dacaayad iyo
xaqiraad uu ku canjilayo qaranimada iyo jiritaanka Somaliland. Telefishnaka ayaa baahiyay oo  laga sii daayay Barnaamij uu ugu magacdaray Faalliyaha oo uu sheegayo ninka jeedinayay oo ah mid aan la fahmayn Afsoomaaliga uu ku hadalyo oo  muuqaal ahaan u ekaa Wiil uu dhalay Aways Geedoow oo ahaa kii Madaafiicda la dhacay Hargeysa sideetanaadkii, isagoo leh, “waa Barnaamij la doonayo in cuqdada lagaga saaro dadka oo ujeedadiisu tahay in lagu mideeyo Ummada Soomaaliyeed iyo su’aal la xidhiidha wadahadaladii dalka Turkiga, Madaxda Mucaaradka Somaliland . sidoo kale wuxuu si badheedh ah sida uu hordhiciisa ku sheegay u fara gelinayaa qaranimada Somaliland, isagoo si u duurxulaya in dadka Somaliland ka daaleen rabitaankooda ay xaqooda ku raadinayaan ee qaranimadooda.

Barnaamijka ayaa si cad oo aan gabsho lahayn ugu socda xaqiraad ka dhan ah Qaranka Somaliland oo uu si badheedh ah ugu adeegsaday dacaayado meel ka dhac ah, kuwaas oo uu qaab samays ah oo muuqaal ah ugu adeegsaday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Calanka Qaranka ee mudan xushmada iyo karaamada. Muuqaalo mala awaal ah oo lagu sawirayo Sawirka Madaxweynaha Somaliland oo loo adeegsaday cod lagu metelayo oo si xaqiraad iyo jees jees ka muuqato loogu canjilayo iyo calanka Somaliland oo la mindooriyay midabkiisa, ayaa lagu codeeyay weedhaha af-lagaadada iyo xaqiraada ah, kuwaas oo meel kadhac iyo gef ku ahaa sharafta iyo karaamada Madaxweynaha Somaliland iyo Astaanta qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee Calanka sadexda midab leh ee Tawxiidku ku qoranyahay. Telefishanka Universal oo laga leeyahay Koonfurta Somalia, isla markaana ka mid ah Warbaahinta ay maausho Walaweyntu ayaa marar badan hore ugu gefay qaranimada Somaliland . sidoo kalena laga sii daayay waxyaabo gef iyo meel kadhac ku ah sharafta iyo karaamada qaranka Somaliland iyo guud ahaanba sharafta Bulshada, isla markaana si badheedh ah loogu af-lagaadeeyay dhaqanka suuban ee Bulshada Somaliland, balse kumanaan Bulshada Somaliland ee ku dhaqan daafaha dunida oo la rumayssanyahay in ay yihiin kuwa dhaqaallaha ugu badan uu ka helo Telefishanka Universal ayaa jawaabo cadho ah ka bixiyay, taas oo khasab ka dhigtay inuu raali gelin ka bixiyo. Hase yeeshee dagaalka ka dhanka ah qadiyada madaxbanaanida iyo jiritaanka Somaliland dagaalka uu kula jiray Telefishanka Universal waxba iskama bedelin, wuxuuna safka hore ka galay warbaahinta ay maamusho Walaweynta ee habeen iyo maalin dedaalka ugu jira baahinta dacayadaha iyo waxyaabaha ay u arkaan in lagu wiiqikaro qaranimada iyo jiritaanka Somaliland, isla markaana lagu waxyeelaynayo Nidaamka dawliga ah, amaanka iyo kala danbaynta Somaliland.

Telefishnka Universal oo marar hore lala xidhiidhin jiray inuu yahay xidhiidhiyaha gudbiya dhacdooyinka iyo boribagaandada kooxda Al-shabaab, isla markaana Barnaamijyo lacag aan la ogayn meesha la mariyo , balse dad badani rumaysan yihiin inay tahay dhaqaalaha kooxda Al-shabaab ku dagaalanto ka urursada bulshada Soomaalida ee dunida ku kala filqan iyo kuwa geriyaga dhulka Soomaalida ku sugan ayaa mudooyinkan u danbeeyay si weyn ugu gacangalay Kooda uu hormoodka u yahay Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ee lagu magcaabo Wadaada Dhiiga cusub ee ( Daamul Jadiid), kuwaas oo wejigabax ay kala kulmeen dawladaha reer galbeedka ee sameeyay dawlada bacrimiska ah ee Somalia ee uu hogaamiyo Xasan Gur-guurte, taas oo wada qorshe ay ku xoojinayso sidii warbaahinta walaweyntu u laban laabi lahayd dagaalka ka dhanka ah Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana Telefishanka Universal oo horeba qayb uga ahaa dagaalka ka dhanka ah qaranimada iyo jiritaanka Somaliland ay isu kaashan lahaayeen Idaacadaha BBC iyo VOA oo noqday kuwo u adeega danaha iyo ujeedooyinka kooxda daamul jadiid iyo cadawga Somaliland.

Waxayna arrinta dacaayadaha iyo gefka badheedhka ah ee uu ku sameeyay Telefishanka Universal kusoo beegmay maalmo ka dib markii ay soo dhamaadeen wareegii shanaad ee wadahadalada u dhexeeyay Somaliland iyo Somalia oo ay kasoo baxeen qodobo ay warbaainta Walaweynta iyo kooxda Daamul Jadiid u arkeen kuwo guul ah u ah Somaliland.

Sidoo kale gefka iyo meel kadhaca uu ku sameeyay Universal Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo huwan sharafta iyo karaamada qaranka iyo bahdilaada xaqiirnimada ah ee uu Telefishanku ku sameeyay Calanka Jamhuuriyada Somaliland, ayaa soo baxay maalmo kadib markii uu shaashada Telefishanka Universal kasoo baxay Xasan Sheekh oo dhex fadhiya Studiyaha Universal ee Muqdisho, taas oo la rumaysan yahay in ay  ahayd markii Telefishanka Universal loo dhigay shaxdii iyo qorshihii lagu weerari lahaa Somaliland.

Xukuumadda Somaliland ayaan wax jawaab ah ka bixin gefka iyo meel kadhaca Telefishanka Universal oo si balaadhan uga hawlgala gudaha dalka Somaliland, iyadoo inta badan muwaadiniinta u dhashay Somaliland ee ku sugan dacalada dunida iyo kuwa gudaha dalka ku nool aanay la socon Barnaamijka gefka iyo meelkadhaca ah ee uu Universal sii daayay habeenkii xalay.
Si kastaba ha ahaatee waxa ku waajib ah xukuumadda Somaliland iyo muwaadiniinta Somaliland indhaha ku hayaan warbaahinta walaweynta ee kusoo duushay qaranimada iyo jiritaanka Somaliland, waxaana lagama maarman ah in ay jawaab deg deg ah ka bixiyaan gefka iyo meelka dhaca lagu xaqirayo qaranimadooda, madaxda iyo astaamaha qarankooda.

info@raweelonews.com
jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *