KenyaNairobi(ANN)Natiijada rasmiga ee doorashada madaxweynenimada Kenya ayaa la shaacaiyay in uu ku guulaystay musharaxii sida weyn ay wadamada reer galbeedku uga soo horjeedeen ee Uhuru Kenyatta, isagoo ka adkaaday

Ninka ay sida weynu loolameen ee Raila Odinga.

Gudiga doorashada ayaa sheegay in Mr Kenyatta uu helay 50.07 boqolkiiba codadka. Looma baahnaan doono wareeg labaad ee doorasho.

 

Gudoomiyaha gudiga doorashada Isaaq Xasan, ayaa sheegay in doorashada ay u dhacday si daacad ah wuxuuna sheegay in boqolkiiba siddeetan iyo lix ay codeeyeen.

Raila Odinga ayaa horaantii sheegay in aanu aqbali doonin in laga guulaystay.

Mr Kenyatta iyo kooxdiisa ayaa sheegay inay sharaf wayn u tahay aaminaada ay dadka aamineen.

Uhuru Kenyattta, ayaa waxaa sugaaya dacwad Maxkamada Caalamiga ee Danbiyada isagoo lagu eedeynayo danbiyo la xidhiidha dagaalkii ka dhashay doorashadii hore ee 2007, taas oo ay ku nafwaayeen kumaan shacabka reer Kenya ah.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *