Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo maanata gelinkii danbe safar shaqo ugu baxay dalka Turkiga ayaa ka hadlay mawqifka xukuumaddiisa ee cunaqabataynta hubka ee laga qaaday dawlada Somalia, wadahadaladii Somaliland iyo

 

Somalia, ujeedada safarkiisa iyo arrimo kale.

 

Madaxweyne Siilaanyo oo ay socdaalkiisa ku weheliyeen Wasiiradda Madaxtooyada iyo dib u dejinta iyo sidoo kale marwadiisa, wuxuuna ka hor intii aanu ka dhoofin madaarka Calamiga ah ee Igaal Intarnational ee magaalada Hargeysa saxaafada kula hadlay qolka nashada.

 

Madaxweyne Siilaanyo oo ka hadlaya ujeedada safarkiisa ee Turkiga, wuxuu yidhi, “Aniga iyo weftiga illa socdaa waxaan u baxaynaa safar aanu ku tegayno dalka Turkiga, halkaasi oo aanu marti qaad rasmi ah ka helnay raysal wasaaraha dalka Turkiga

Wefti wasiirro ah oo dalka Turkiga joogaana way naga sii horeeyaan, dalka Turkigu waa dal wayn oo aynu taariikh badan wadaagno, waa dal wax badan ay inagaga xidhmi karaan, waxaanan doonaynaa in aynu xidhiidh fiican dhinacyo badan leh la yeelano, sidaas darteed marti qaadkaa aanu ka helnay ayaan ku tegaynaa, Waxaanan illaahay ka baryaynaa in uu nagu soo guuleeyo oo danaha aanu ka leenahay ee labada dal ka dhexeeya si wanaagsan isula meel dhigno.”

 

Safarkani waxa uu ka mid yahay dhaq-dhaqaaqa badan ee ay dawladu samaynayso ee ay dunida kula xidhiidhayso si aynu qadiyadeena iyo daneheena kale uga dhaadhicino dunida inteeda kale,”ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.

 

Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo wax laga weydiiyay sida ay xkuumaddiisu u aragto cuno-qabataynta hubka ee laga qaaday Soomaliya waxa uu yidhi, “Dawlada Soomaaliya waxay ahayd dawlad dunidu ictiraafsan tahay, wax cusub ma aha in dawladda Soomaaliya ee hada la icitiraafo.

 

cuna qabataynta hubka ee laga qaadayna waa mid aanu aad iyo aad uga xunahay dhibaatada ay noo keenayso, laakiin annagu ma hayno meel ay dawladda Soomaaliya ku tidhi xoog ayaanu ku dhacsanaynaa, xoog ayaanu ku midaynaynaa iyo dagaal ayaanu ku qaadaynaa, sida kale ayay u tidhaahdaa hawlaha wada hadal ayaanu ku dhamaysanaynaa .”

 

“Anaguna wada hadal dan kama lihin awalba waanu wada hadlaynay, hore ayaanu isugu nimi meel ay dunidu joogto, wadahadal wax kama qabno ee wadahadal loo siman yahay oo ay Somalilland gooni isu taageeda iyo qaranimadeeda ku muujinayso oo ay u cadaynayso cid kastaba.”

 

Madaxweynuhu waxa uu sheegay inay Somaliland leedahay ciidan difaaca oo ku filan, isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Daafacaad haddii ayn noqotana Somaliland way leedahay ciidan ku filan iyo dad ku filan oo xoriyadooda ilaashadda, markii horena Somaliland xoriyadeeda bilaash laguma siine’ xoog ayay kula soo noqotay.” ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.

Dhinaca kale safarkan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee hogaamiye Somaliland ka socdaa ku tago dalka Turkiga mudadii dhawr iyo labaatanka sanadood ee ay Somaliland jirtay, wuxuuna kusoo beegmay safarka Madaxweyne Siilaanyo xili ay dawlada Turkigu si weyn uga dhex muuqato arrimaha Somalia, isla markaana ay mashaariif waaweyn ka wado Somalia, iyadoo la rajaynayo in safarka Madaxweyne Siilaanyo horseed u noqdo mashaariic ay hore dawlada Turkigu ugu balanqaaday Somaliland, kuwaas oo aan xoogoodii weli laga bilaabin Somaliland.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *