Hargeysa(ANN)Ciidanka Booliska Somaliland ayaa sheegay in nin degan magaaladda Hargeysa uu xalay Toori ku dilay xaaskiisii iyo laba caruur ah oo uu dhalay.

Ninkan oo magaciisa lagu sheegay Cabdiraxmaan Maxamed Axmed oo Deganaa xaafadda boqol jire ee galbeedka magaaladda Hargeysa, ayaa tooray meelo badan ka galiyey xaaskiisii oo uur sideed bilood lahayd iyo laba caruur ah oo uu dhalay iyo isaga laftiisii oo isna dhawr meelood iska galiyey oo ku jira xaalad caafimaad daro oo adag.

 

Ciidanka Booliska waxay sheegeen in ninkani uu Mindi ku khaarajiyay xaaskiisii oo uur lahayd iyo laba caruur ah oo uu dhalay oo da’doodu u dhaxeysay laba illaa sadex jir.

 

Maamulaha cisbitaalka guud ee magaaladda Hargeysa Axmed Daahir Axmed oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ninkan oo dhaawac ah loo keenay, isla markaana sadex qof oo qoyskiisa ahna uu soo dilay.

 

“Runtii waa dhacdo aad u xanuun kulul oo laga naxo, waxa anaga saaka la noo keenay nin qudha ka jaray xaaskiisii oo leh uur sideed bilood ah iyo laba caruur ah oo uu dhalay oo midna afar jir yahay midna laba jir yahay, isaguna waa dhaawac oo dhawr meelood ayuu tooridda iska galiyey”ayuu yidhi Maamulaha cisbitaalka guud ee magaaladda Hargeysa Axmed Daahir Axmed oo ka hadlayey dhacdadan murugadda leh.

 

Dadweynaha Magaaladda Hargeysa ayaa si weyn uga murugooday falkaa foosha xun, kaas oo layaab ku noqday markii ay maqleen, iyadoo aan ilaa hada la garanayn sababta Ninkaa ku kaliftay inuu xasuuqo qoyskiisa, isla markaana isku dayo inuu naftiisa khaarajiyo ugu danbaynta.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *