Hargeysa(ANN) Dhul  gariir xoogan ayaa caawa si weyn looga dareemay magaalada hargeysa, ma jirto ilaa hada cid wax ku noqonatay, balse gebei ahaanba waxa laga baxay guryaha fooqyada ah iyo Huteelada dhismayaasha dhaadheer ee magaalada hargeysa, kaas  oo dhawr sikin ahaa,

 

balse ma jirto cid ilaa hada wax ku noqonatay iyo dhisme uu dumiyay Dhul gariirkaa oo aan cabirkiisa la qiyaasi Karin. Laakiin mudo dhawr sikin  ah 2: 30 habeenimo ahaa.
“Waxa igu soo daatay Buugaag saarnaa kabadh, markaa ayaan dareemay dhul gariirka iyo guriga oo ruxmay” sidaa waxa shebekada Araweelonews u sheegay qof ku sugan gurigiisa oo ku yaala Koonfurta magaalada hargeysa.
Huteelada waaweyn dadkii hurday oo debeda usoo baxay ayaa ii sheegay , balse anigu ma ogayn oo waxan daawanayay Telefishanka.  Sidaana waxa yidhi qof kale oo aanu la xidhiidhnay caawa daqiiqado kadib markii la dareemay dhul gariirkaa.  laakiin wararka qaar ayaa sheegaya in dhul gariirkani uu ka dhacay caawa dhinaca magaalada Boorame, kaas oo aan ilaa hada laga war qabin baaxadiisa iyo waxyeelo uu geystay. Wixii kasoo kordha kala soco Araweelonews.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *