Hargeysa(ANN)Prof. Maxamed Jaamac Rooble oo ah aqoonyahan  hindisay daawada  xanuunka Bawaasiirta ee loo bixiyay  Tikaf, taas waqtigan si weyn looga isticmaalo Somaliland, Somalia iyo meelo kale   ayaa si kooban uga sharaxay sababaha ku dhaliyay inuu hindiso dawadaa iyo marxaladihii

 

uu lasoo maray qorshahiisa curinta daawada.
Sidoo kale Prof. Maxamed Jaadamac Rooble, waxa uu sharaxayaa waxtarka iyo faa’idada ay leedahay  dawadu iyo dhibaatada uu cudurka  Bawaasiirtu ku yeesho nafsada qofka bini’aadamka ah ee dhinacyada caafimaadkiisa guud iyo dareenka Hamada.
Prof. Maxamed Jaamac Rooble oo ka mid ah khuburada wasaaradda waxbarashada Somaliland ee manaahijta wuxuu sidaa ku sheegay waraysi uu siiyay shebekada  wararka ee Araweelonews, balse wuxuu marka hore sharaxaad kooban ka bixinayaa aqoontiisa iyo taariikhda noloshiisa, wuxuuna ku bilaabay sidan:-
“Aniga magacaygu waa Maxamed Jaamac Rooble, waxa aan ka soo baxay Jaamacaddii Gaheyr ee Muqdisho, Kulliyaddii waxbarashada Lafoole.
Takhasuskaygu waa Xisaab iyo kemisteri.
Kormeeraha waxbarashada Gobolka Togdheer ayaan ahaa kolkii aan u tallaabay oo ku biiray Ururkii SNM. Ee soo guda-galay dalka Gobolka Togdheer, Burco Jimcihii 27 meey,1988 ee dibna ka qabsaday Somaliland 17 meey,1991.
Ka dib kolkii taladii Dalka aanu ku wareejinney dadweynaha waxa aan ka qayb-galay dib u-dhiskii dalka dhinaca waxbarashada.
Dabeed, waxa aan goostay go’aan ah in aan aqoontii wax ka muujiyo, aniga iyo bulshaduba ka faa’iideysanno, tusiyo in haddii la fikiro adduunka wax lala qaybsan karayo, taasina waxa ay igu dhalisay in aan hindiso daawadan Tikaf oo khaas u ah cudurka bawaasiirta, maadaama cudurkani dadka aad ugu badan yahay ama yahay cudur xun oon inta badan sidaa loo dareemin , waanaan ku guuleystey oo muddo habeenno ah ayay ku guurisaa Bawaasirta.
S.    Prof. waxaad sheegtay in aad ku guuleysatay daawadan Tikaf ee Bawaasiirta, haddaba wax ma nooga sheegi kartaa waxa kugu kellifey ama kugu dhaliyey hindisaha samaynta daawadan ?


J.   waa su’aal fiican oo meesha ku jirta. Waxa jirey in cudurkani aniga laftayda igu dhacay oo dabeed muddo dheer ku jirey baadhis ku saabsan Bawaasiirta : maxay tahay, maxaa sababa, sideese loo daaweyn karayaa ?
Waxa aan baadhis ku hayoba, sannadkii 1996 ayaan ku guuleystey diyarintii daawadan Tikaf inay guuriso cudurka Bawaasiirta.
Tijaabooyin badan baan ku sameeyey, naftayda aan ka bilabay ka iyo dad kaloo badan oo cudurkaa ka cabanaayey, wayna ka wada guurisey, taasoo ay igu hambalyeeyeen iguna dhiiriyeey shaacinteeda.
S.    Goorma  ayaad markii u horaysay   usoo bandhigtay Bulshada ka cabata cudurka Bawaasiirta ?
J.    Kolkii aan xaqiijiyey tayadeeda, kalsoonina ka helay dadkii isticmaalay, isla markaana ay caddaatay inay kaga takhalustay Bawaasiirta muddada saddexda habeen ah ayaan sannadkii 2000 u soo bandhigay bulshada ciddii ka cabanaysa Bawaasiir oo aan uga baaqay idaacadda iyo jaraa’idkaba.
S.    Prof. ma jiraan hey’ado aad kala xidhiidhay ama kula eegay si ay kuula arkaa daawadan iyo tayada aad sheegtay iyo cillado haddii ay leedahay?
J.    Haa … waxa aan kala xidhiidhay wasaaradda caafimaadka oo markaa wasiir uu ka ahaa Dr. Xasan Ismail Yussuf sanadkii 2002   oo la tashi kala sameeyey A/guud iyo dhakhatiir kale, una gudbiyey Hey’adda WHO, baadhis ahaan.

Ka dib, mar labaad ayaan talo ahaan kula noqday Wasaaraddii caafimaadka oo aan saamballo u gudbiyey daawada ah, tijaabo ahaan, maadaama aanay jirin laab lagu baadhaa wasaaradda. Dabeed, kolkay taydeedii ila xaqiijiyeen ee dadkii isticmalay soo gudbiyeen, wasaaraddu way ila qireen waxtarkeeda iyo tayada fican oo ay caddaynteedii ii qoreen ,ina siiyeen ruqsad oggolaansho in dalka gudihiisa lagu isticmali karo.
S.    Prof.  waxa aad sheegtay in ruqsad aad u haysato daaweynteeda oo dalka gudihiisa ah, markaa ma noo sheegi kartaa dadka aad ilaa hadda ku daweysey daawada Tikaf inta ay le’eg yihiin ee tayadeeda ku bogsaday ?
J.    Runtii dad badan baanu ku daaweyney oo inta badan iyagu isgaadhsiiyey daawada iyo tayadeedaba oo gaadhaya ilaa 4500 oo qof oo nooc walba bulshada leh ilaa ilmo dhabta lagu sido.
Waa daawo garantii ah  98% inay muddadaa ku guuriso cudurka, lagu bogsaday oo lagaga raystay qalitaan iyo wixii la mid ahaa ee dhibaato iyo dhaawac u geysanayey gobolka duburta.
Waxa kale oo jira meelo badan oo lagu iibiyo daawada sida Hargeysa, Burco, Borama, wajaale, Buuhoodle iyo muqdisho oo ah dad iyagu isticmaalay daawada , tayadeeda ogaaday oo dabeed iskood u codsaday inay dadka u buka bawaasiirta u sii gudbiyaan.
S.      Prof. Wax ma nooga sheegi kartaa waxa aad ka samaysay ? ma dhir baa mise waa  
waxyaabaha dawooyinka laga sameeyo ?maxaase ku jira oo ka mid ah ?
J.    Waa su’al inta badan lay weydiiyo “ maxaad ka samaysay? Laakiin waxa dadka qaar raaciyaan “ sideed u samaysay ? taas oo  ku tusaysa inay dadkeenna ka maqan tahay in aqoonta aynu la wadaagno dadyowga dunida,  balse ku-dhaqankeedii iyo fikirkiiba innaga maqan tahay.
Haddaba, daawadan Tikaf :
=  Waa daawo iskudhis kemiko oo ka kooban curiyeyaal kemiko  
caadiya ee daawooyinkaba laga sameeyo.
=  Waa daawo maris cajiin ah oon cillado iyo dhibaato lahayn iyo wax dhiba bukaha 
iyo duburtaba.
=  Waa daawo aan ogahay inay baajisay qalitaan, dabid la dabo ama ciijin iyo  
duridda dheecaanada dhirta ee nabarro iyo dhaawac u geysta duburta.
=  Waa daawo kaga takhalusta cudurka Bawaasiirta saddex habeen gudahood, 
idamka Eebbe (swt).
=  Waa daawo isticmaalkeedu ku qoran yahay af-Somali iyo af-Ingiriisi, labadaba.
=  Waa daawo tayadeedu sarrayso oo aan ogahay inay ka wada tayo fiican tahay  
daawooyinka loo isticmaalo cudurkan Bawaasiirta ee maanta jira.
S.    Prof. waxa aad sheegtay in daawadu muddo habeenno ah ku guuriso cudurka, markaa daawada ma idinkaa dadka ku farsameeya mise dadkaa qaata oo iskood u isticmaala daawada? Halkeese la mariyaa ?
J. waad mahadsantay, waa su’aal fiican.
Daawada waxa lagu isticmalaa oo la mariyaa duburta ilaa malawedka  gudihiisa iyo dibeddaba, bukahaana isagu guriga ku isticmaala oo ismariya isaga oo ka raacaya warqadda isticmaalka bukaha(patient information leaflet), tallooyinna la siiyo la xidhiidha isticmaalka ka dib
S. Waxa aad sheegtay in tayada daawada sarrayso. Maxaad ku ogaataan ama ku ogaan kartaan  in tayadeedii qofkii ku bogsaday iyo in kale ?
J. Daawadan Tikaf cid kasta oo qaadata waxa shardi ah habeenka kowaad duhurkiisa ilaa casarka inay warka soo celiso inuu bogsaday, taasoo tayo ahaan aanu hubinno iyo inuu raacay jidkii iyo qoraalkii isticmaalka ee saxa ahaa iyo in kale.
Labada habeen ee dambe waa xaal-xaal oo waxa ay kaabaan hadduu isticmaalkii iska xumeeyey  ama sahashaday oo shuruudii qaar ka baydhay.
Isticmaalka xumaadaa waxa uu keeni karaa in daawadu demto ka dib hoor kor uga soo degey oo daawada dhex-galay, kolka calooshu jilicsantay oo kale ama iyada oo daawadii aanay wada gaadhin cilladihii jirey.
S.    Prof.  Maxaad nooga sheegi kartaa waxyaabaha sababa ama dhaliya cudurkan 
Bawaasiirta ?
J.    Horta ugu horrayn cudurka Bawaasiirtu waa cudur ku dhaca gobolka duburta iyo   
gudaha malawedka oo dhibaato badan. Markaa waxa uu ka dhashaa ama sababa :
•     calool – istaagga dheer ama joogtooba.
•    mililikh engegga malawadka ku dhacay ( sida dhukaygii dhegaha ).
•    bukhuurka kemiko ee musqulaha joogga u qodan ee aan lahayn
dhuumaha qaada.
•    Dib u dhiggidda xilliga xaajo-qabadka, taasoo saxaradu sii muud engegto marba marka ka dambaysa.
•    Waxyaabo xajiin iyo xagasho leh oo jeexid ku keenna gudaha malawedka ama lingaxa duburta.
•    Isku celinta  naqaska (dhuusada) oo dib u celisa oo hakisa foolkii saxarada iyo cadaadiskaba.
•    Fadhiga la barriinsado ee meelaha adag sida midka jaadka, kaabadaha, kuraasta iwm.
•    Shubanka daran ee ducashada leh.

S. prof :  Astaamaha cudurka bawaasiirta maxaa ka mid ah oo aad nooga sheegi kartaaa?
J.    Astaamaha cudurka waxa ka mid ah :
    xididdo weynaadey oo ah kolmo dhiig guntamay oo lingax duburta ah iyo gudaha malawedka .
    Agdhaadh bararay (swollen tissue) oo gudaha malawedka oronsada oo saxarada ciijiya oo ducasho iyo dhib lagala kulmo .
    Dhiig ay marar yeelato kolka la xaajoonayo ee godka lagu jiro, ka dibna joogsada.
    Dareenka hammada oo ay wax yeesho ama ku raagidda la’aad noqota, oo badi ragguun dareemi karo.
    Xanuunno kala ah :
o     Wareeegga miskaha ama qaarka dambe
o            Lugahoo daala iyo baabaco olol, gaar ahaan kuwa hoose.
o         Wahsi iyo tamar-darro
o         Xididka ay haysato oo meeshii uu maroba xanuun laga dareemo
o         Fadhiga oo laga duuro oo la  fadhiisan kari waayo, nooc ka mid ah
o    Marar ay socodka ku damqato oo sibraha dhiig ka dareero balse naadir ah.
Afar qof baa (4 buke) iga soo maray noocaa oo mid ka mida fadhigii surwaalkii 
casaadey, intaan ka waraysanayey .
S. prof.   Cudurka bawaasiirta ma laga hortegi karaaa haddiise laga hortegi karo  sidee 
baa looga hortegayaa,  maxaaad  uga kordhin kartaa bulshada arrintaa ?
J.    cudurkan bawaasiirta waxa lagaga hortegi karaa adiga oo sameeya 
waxyaabahan oo dadaal muujiya:
1.    caloosha oo la jilciyo oo dadaal la saaro in la isticmaalo cunto-dhan (balanced dief) khudaarta cagaaran iyo cunto miskiinka, waxaan caadi ahayn oo laysku darsado amase jacbur ah.
2.    biyo badan oo cabbiddooda la caadeysto ilaa 10 galaas maalintiiba oo saxarada jilciya, jidhkana nafaxaad geliya.
3.    naqaska dhuusada oon laysku xejin, dhibteeda la eego oo aan ceebuu loo arag.
4.    fadhiga badan ee meelaha adag oo layska daayo ama wax laysaga dhigo sida buush qaro iyo dalloolo leh.
5.    in laga dheeraado wax allaala wixii jeexid ku keenaya gudaha malawedka iyo lingaxa duburtaba sida qoryaha xanafta leh ( dhinaca miyiga).
6.    musqulaha joogga u qodan oo looga guuro kuwa casriga ah ama dhuumo bukhuurka kor u dallaca loo sameeyo.
S. Prof.    Waxa dhaca in dadka qaar bawaasiirta iska qalaan ama dhir lagaga mudo oo 
qaarkood la sheego inay dhib kala kulmeen. Haddaba maadaama aad leedahay 
daawada tikaf way baajisay farsamooyinkaa, maxaad dadweynaha u sheegi  
lahayd talo iyo tusaaleba oo arrimahan ku saabsan?
J.  soomaalidu waxa ay tidhaahdaa ama ku maahmaahdaa “nin bukaa boqol u 
tali” waa sarbeed tilmaamaysa in qof bukaa aanu meelna ka waaban loo tilmaamo ee 
cudurkiisa khusaysa oo dhibtaa haysa ka reebta.  Haddaba, waxa aan dadweynaha u     
sheegi lahaa kuna baraarujin lahaa.
•    In Bawaasiirtu tahay cudur aan tegin oo soo noqnoqda oo aan kaaga tegeen haddii la qalo la dab, la gubo ama dheecaan dir lagu duro xididadii soo rida, sidaasi darteed looma baahna in dhib iyo dhaawac toona loo geysto duburta waayo waa meel xasaasiya oo aanay ahayn in waxyeelo la gaadhsiiyo oo ardambe dhibteeda leh.  Markaa haddii duburta loo geysto dhib iyo dhaawac waxa ka iman kara
    Dhaawac dhibtiisa leh iyo bush ka fida, dhiig-bax laga yaabo inuu joogsan waayo iyo khataro kale sida cudurro horleh oo ka dhasha.
    Lingaxa duburta oo madha ama tuuro yeesho celin-waayo cadaadiskii, saxarada fuudka ah iyo naqaska dhuusada oo ay xejin weydo oo dabeed hawlyari ku dhaafa.
    Hammada oo sii yaraata oo markay la’aadba noqota ninka guurso loogu tag-waayo ama dumarka ooy caadada ka joojiso.
    Nuglaansho ay soo taranto oo badato.

Haddaba, waxa aan talo ugu gudbin lahaa dadka bawaasiirta ka cabanaaya in aanay marnaba ku samayn qalitaan iyo wax kaloo dhibaato u geysanaaya duburta, liciifinaya habka taranka, taasoo ay ka fiican tahay iyadoo lala saaxiibo oo jilcinta caloosha laga shaqeeyo, oon dhibaato laysu geysan sii tarmisa cudurka ama nuglaansho keenta.

S.  Prof:  Maxaad ka odhan lahayd meelaha dhirta lagaga duro kolmaha bawaasiirta iyo   
xataa dhiraha kale dadka la siiyo goobaha cilaajyada?
J.    Waa su’aal fiican oo faa’iido u leh dadweynaha. Marka hore waxa fiican ama ay 
tahay in dhirta aqoon loo lahaado oo cilmigeeda la barto, ciddii aan aqoon u 
lahayni, oo aanay noqon ganacsi iyo fara-qabsi laga dayo oo ay tahay in 
dadnimada la xeeriyo.
•    Daaweynta dhirtu aqoon bay u baahantay iyo takhasus oo markaas baa wax lagu daawayn karaa.
•    Dhirtu waxa ay isugu jirtaa afar nooc oo kala ah Aysiidh, Beys, Milix, Oksaydhyo, taasoo laga yaabo in geed keliyi isugu jiro afartaa nooc, midna yahay Aysidh keliya, ku kalena saddexda noocba ama laba noocba.
•    Markaa aqoon la’aanta dhirta waa ta keentay in dheecaan aysidh ah lagu duro xididada weynaadey ee kolmoobey ee bawaasiirta loo yaqaan, taasoo sababta in xididadii soo go’aan, soo dhacaan kolkay disho aysidhu oo dhaawac abuurta dib looga dhayo ama bushba (infection) abuurta.
•    Sidoo kale cilaajyada waxa aan odhan lahaa aqoon ha loo yeesho dhirta iyo daaweynteeda oo yay bowsi noqonin lagu dayday mid aqoonta u leh, dadkana ha loo tudho .
S. Maxaad odhan lahayd dadka isticmaala ganacsiga dhirta iyo bulshadaba iyo ciddii ay 
khuseysoba?
J.          Dadka adeegsada ganacsiga dhirta ee geedaha isugu dara dadka buka ama aysidh ku dilaaya xididadii dareenka ee bawaasiirta waxa aan u sheegi lahaa in ay ka waantoobaan oo dadka u tudhaan, dhibta ka illaaliyaan dadkaa buka iyo ta nafahoodaba ku soo noqon karta kolkay dhib u geystaan.
•    Bulsho-weyntana, waxa aan odhan lahaa daaweynta caqli iyo garasho ha lagu darsado oo yay dhicin dhib ka carar oo dhibaato horle iyo halis uga sii gudub.
•    Xukuumadda waxa aan leeyahay aad ha loo derso goobaha cilaajyada iyo meelaha kalee daaweynta ama caafimaadka ku lug leh, si loo xaqiijiyo aqoonta mulkiiluhu u leeyahay xirfadaha daaweynta, dabeedna ruqsad ha la siiyo haddii loo bogo ama in laga xidho hadduu u qalmi-waayo, taasoo ah badbaadada dadweynaha la waleecaadaya ee la weedaadaya xanuunnada kala duduwan.
•    Bulshada soomaliland ama soomaaliyeed waxa aan u sheegayaa in aqoon ahaan aan la mid nahay dadyowga yurub iyo aduun-weynaha kala jooga, laakiin ay innaga maqan tahay fikradaha waxqabsiga, hindisaha iyo aqoontii oo aan dhaqan-gashanno oo  laysla kaashado, tartan la geliyo iyo sidii looga midho-dhalin lahaa, taasoo faa’iido iyo horumarba lagu gaadhi karo.
•    Midna ha la ogaado dal waxa uu horumar ku gaadhaa waa heerka aqoonta bulshadiisa oo dardar-gelin lagu shaqeeyo ama laga shaqeysiiyo, taas waxa aan odhan lahaa intii isku aqoon lihiba haysu tageen hayska kaashadeen oo ha muujiyeen aqoontooda hindise iyo wax soo-saarba, sidoo kale waxa aan odhan lahaa aqoonta ha loo dhug yeesho iyo heerarkeeda horumar ee maanta adduunyadu marayso oo aan ka gudubno weedhii ahayd  “ dayaxii baa la koroon weli awrkii doohda hayaa ”.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *