Hargeysa(ANN)-Nin Tuuga ayaa saaka subaxnimadii hore Haweeney ka tuuray Biriishka Hargeysa, kaas oo kadibna baadhtay markii ay ku dhacday Dooxa. Haweenaydan oo magaceeda ku sheegtay Faadumo Maxamed Yuusuf oo da’deeda

 

ku sheegtay 48-50 jir ayaa loola cararay cusbitaalka guud ee Magaaladda Hargeysa, weriye ka tirsan shebekada wararka ee Araweelonews ayaa saaka barqadii ku booqday Haweenaydaa Cusbitaalka, waxayna iyadoo ka waramay sidii ay wax u dhaceen tidhi, “Saaka salaadii subax ka dib aniga oo maraya Biriishka Hargeysa ayaa waxa iga horyimi Nin, wuxuu igu yidhi “Naa Istaag” wuxuu lasoo baxay faash. Markii aan istaagay ayay Dumar iyaguna Biriishka Maraya. Kadina waxa iigu danbaysay isagoo kor ii qaaday, wixii markaa ka danbeeyay maan ogayn meel aan joogay, waxaana ku miyirsaday anigoo Cusbitaalka jooga.” Hooyo Faadumo waxay sheegtay in aanay weli cadday dhakhaatiirtu dhaawaca soo gaadhay inta baaxadiisu leegtahay, balse waxay xustay inuu soo gaadhay Burbur. Laakiin Ilaahay mahadii tahay maadaama aanay Nololba filayn. Hooyadan ayaa u sheegtay shebekadda Araweelonews oo weydiisay waxa ay ka shaqayso iyo meesha ay ku kalahaysay, waxayna tidhi, “waxaan ahay dadka Suuqa fadhiista, balse waxaan doonayay inaan Geeri (qof dhintay) usoo iibiyo wax lagu kanfo iyo wixii la marin lahaa.” Sidoo kale waxay sheegtay in dadkii markaa meesha ka dhowaa u sheegeen in mid ka mid ah Askarta Ilaalada shirkadda Telesom ee u dhow Biriishka oo arkayay Tuuga iyo dhibaatada dhaca iyo boobka ah ee uu samaynayay ka dhega adaygay inuu qabto, sidaana uu ku baxdasay. Laakiin warar kale ayaa sheegaya in ciidanka Bilaysku xabsiga u taxaabeen Ninkaa waxba ka qaban waayay Haweenaydaa lagu furanayay hortiisa. Dhinaca kale wiil yar oo magaciisu ahaa Guuleed Cabdi Ibraahin oo 16 jir ah, isla markaana ka mid ahaa Ardayda Dugsiga sare ee Ilays ayaa dhintay. Kadib markii uu mid ka mdi ah Ardayda ay wax ka wada bartaan Dugsiga Ilays uu Tooray ku dhiftay xalay fiidkii agagaarka Xaafada Sheekh Maddar ee Magaaladda Hargeysa, kaaso oo maydkiisa la keenay xalay caweyskii Cusbitaalka Guud ee Hargeysa, isla markaana maanta la aasay maydkiisa. Waxayna qaar ka mid ah ehelada wiilka geeriyooday u sheegeen Shebekadda wararka ee Araweelonews in la qabtay Aradaygii kale ee dilka geystay, iyagoo sheegay in aanay arrintu xidhiidh la lahayn rabshadihii jamacadda Hargeysa maalintii doraad.

 

By. Carraale M. Jaamac Araweelonews Somaliland Office E-mail; Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com shalcaw2@hotmail.com +252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *